Somaliland÷Maxaa Sababey In Maanta Shir-weynaha 6-aad Shirkadda Telesom Lagu Siiyo Shahaado Adeega Internaydka Ugu Xawaaraha Dheereeya?

0
56

Somaliland÷Maxaa Sababey In Maanta Shir-weynaha 6-aad Shirkadda Telesom Lagu Siiyo Shahaado Adeega Internaydka Ugu Xawaaraha Dheereeya?

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Shirka lixaad ee isgaadhsiinta internaydka Tiknoolijiyada casriga ah ee qaarada afrika ayaa maanta lagu soo gebo-gebeeyay caasimada Somaliland ee Hargeysa.isla markaana shirkaa ayaa lagu soo bandhigay adeegyo casri ah iyo internaydka ugu xawaaraha dhereeya oo shirkadda Telesom ku soo kordhisay adeegyada ay siinayso macaamiisheeda wixii maanta ka bilaama ee sanadkan 2024-ka.
Sidoo kale,Shir-weynaha 6-aad ee ICT-ga oo si rasmi ah ugu dhammaaday maanta magaalada Hargeysa,ayaa Shirkadda Telesom lagu abaalmariyay doorkii ay ka qaadatey shirka isgaadhsiinta tiknoolijiyada internaydka.Isla markaana masuuliyiinta kala duwan ee hawl-wadeenada shirkadda Telesom,ayaa shahaadooyin abaal marin ah lagu gudoonsiiyey shir-waynaha lixaad ee maanta ku soo xidhmay Somaliland,kuwaas oo ku mutaystay guulaha waa weyn ee sababay in maanta ka dhex-muuqato isgaadhsiinta tiknoolijiyada geeska afrika oo shirkadda Telesom ka qayb-gashey shirkii ka dhacey dalka Rwand-da,iyadoo kaalmaha hore adeega internaydka iyo aqoonta masuuliyiintaka mid shirkada Telesom tahey mid mar walba adeegyo casri ah u soo bandhigta shacabka Somaliland,taasoo Somalilandna kaga duwanaatey dalalka qaarada afrika dalka ugu horeeya ama ugu wacan dhanka Isgaadhsiinta internayd.
Hase yeeshee,shirkadda Telesom,ayaa intii uu socday shirka lagu qiimaynayey heerka ay marayso tiknoolajiyada waxaybshirkadda
Telesom shir-weynaha ku soo bandhigtay adeegyada kala duwan ee ay siiso macaamiisheeda, gaar ahaan adeegga Internet-ka ugu casrisan dunida maanta ee jiilka shaan ee soo socda 5-aad (5G FWA)

#SLICTC2024
#Hargeisa Telesom
Telesom companey
Warbaahinta Baraarugnews Radio Baraarug.Com Barkhad Jaamac Batuun Baraarugtv.com