Shir-qool Muuse Biixi Kaga Taqalusayo Waddani Io UCID Xirsi,Cirro Iyo faysal &Waa In Guddi Dhex Ah Oo Doorasho Gaadhsiisa Dalka Waa In La Magacaabo Si Loo Bad-baadiyo Somaliland

0
196
Shir-qool Muuse Biixi Kaga Taqalusayo Waddani Io UCID Xirsi,Cirro Iyo faysal &Waa In Guddi Dhex Ah Oo Doorasho Gaadhsiisa Dalka Waa In La Magacaabo Si Loo Bad-baadiyo Somaliland
Shir-qool Muuse Biixi Kaga Taqalusayo Waddani Io UCID Xirsi,Cirro Iyo faysal &Waa In Guddi Dhex Ah Oo Doorasho Gaadhsiisa Dalka Waa In La Magacaabo Si Loo Bad-baadiyo Somaliland

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Tan iyo markii  hogaamiyeyaasha xisbiyadda mucaaridka somaliland ee Waddani iyo UCID 13-kii bisha November/2022-ka ay ku dhawaaqeen innaanay wixii maanta ka dambeeya aqoonsanayn jiritaanka Madaxweynimadda Muuse Biixi Cabdi iyo Golaha Wasiiradda xukuumaddiisa wixii maanta ka dambeeya aaney u aqoonsanayn Madaxweynaha Somaliland.Muuse Biixi Cabdi oo isna dhankiisa aad uga cadhooday hadalka ka soo yeedhay Murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Faysal Cali Waraabe wuxuu degdeg hurdada ka soo toosiyey xayn Wasiiraddiisa ah,isagoo ku amray inay ka jawaaban hadalkii ka soo yeedhay hogaamiyaasha labada xisbi mucaarid Waddani iyo UCID,kuwaasoo ka mid yihii Maxamed Kaahin Axmed Siciid Sulub iyo taliyaha Booliska Dabagale,oo isla habeenimaddii 13-ka Nobember shir jaraa,id qabtay,kalaamkii labadooda dibnood ka soo yeedhay ayna kaga fal-celiyeen ka fad-kudiyey jaho kale.Wasiir maxamed Kaahin ayaa qardajeexay wado kale,isagoo hadalkii arrimaha sharciga doorashooyinka ee la isku haystay doorashooyinka madaxtooyada iyo ururadda ta saxda ah in la soo horaysiiyo qabashadooda ka hadline wuuxuu ku dooday isagoo afkii Muuse Biixi ku hadlaaya in Guddoomiyeyaasha iyo murashaxa xisbiga Waddani,UCID cabdiraxmaan cirro,Xirsi iyo Faysal ay ka soo horjeedaan jiritaanka dalka  Somaliland.Balse Muuse Biixi Cabdi, markii hogaamiyeyaasha labada xisbi mucaarid  oo shacabka u sheegeen innaanay u aqoonsanayn laga bilaamo maanta innuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay wixii wakhtigaa ka dambeeyay Muuse Biixi fadhi iyo hurdo ugu dambaysay,isagoo magaalooyinka waa weyn iyo Goboladda Sonaliland ka bilaabay abaabul Odayaal iyo madax-dhaqmeed xukuumadda Muuse Biixi ku qasabtay inay u jawabaan labada xisbi mucaarid Waddani iyo UCID,iyadoo Madax-dhaqmeedka iyo Odayaal beeleedka maamulka Muuse biixi soo abaabulay ay u muuqdaan qaar uu miciin badan ama ku difacanayo jiritaankiisa Madaxweynimada Muuse Biixi.

qaar ka mid ah dadka  aqoonta durugsan u leh arrimaha siyaasadda Somaliland iyo shaxda uu is-ticmalayo hogaamiyaasha jaan-gooya geedi-socodka siyaasadda xisbi-xaakimka Kulmiye Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi wuxuu damacsan yahay innuu damaciisa iyo danahiisa arrimaha  doorashada uu meel mariyo.Isla markaana siyaasadiisu tahay mid qasab, xoog qar-jajac ah ku doonaaya innuu  qasab sandule ah ku meel mariyo doorashooyinka madaxtooyada iyo ururadda,had-ba ta, isagu jecel yahay, guushiisana uu u  arko innay ka dhacdo Somaliland,qorshaha u yaala weeye Muuse Biixi Cabdi meel. Kuwaasoo ku doodaaya madaama Madaxda Xisbiyada mucaaridka Somaliland Waddani iyo UCID ay qaadeen talaabo kale oo ka duwan arrimihii muranka doorashooyinka, Madaxtooyada iyo Ururadda la is ku haystay,iyadoo labada xisbi mucaarid  Waddani iyo UCID  sheegeen innaaney u aqoonsanayn Madaxweynaha rasmiga ah ama sharciga ah Muuse Biixi Cabdi oo wakhtigiisii dhamaaday sharci-darana ku fadhiya iyo xoog jagada kursiga Madaxweynimadda Somaliland,arrintaasi keentay wel-wel iyo cabsi  ay u baqayaan shacabkii reer Somaliland inay waxyeelo soo gaadho nabadgelyadooda in loo baahnaa abaabul bulshadu iskugu timaado oo kaga wada-tashadaan habkii loo bad-baadi lahaa nabada Somaliland.

Halka qaar kale oo ka mid ah aqoon yahanka Somaliland ku doodayaan,Waa in la sameeyaa Guddi dhex-dhexaad ah oo doorasho gaadhsiisa dalka somaliland, oo xaaladan adag lagaga bixi-karo.Si cid doorasho gaadhsiisa ama dad doorashada gaadhsiisa oo la wada ogol yahay oo dalka doorasho ka qabata ama uga dhici-karto ayaa loo baahnaa in laga hawl-galo siddii Guddi Cusub loo samayn lahaa. Dhinacyada Muxaafidka iyo mucaaridka labadaba cid ay ku kalsoon yihiin heshiis ku gadhaan oo doorasho qabata. Waa innaanay awood ku lahaan doorashada xukuumaddiisu Muuse Biixi Cabdi , oo faraha kala baxaa arrimaha doorashada. Awoodihii uu lahaan jiray Muuse Biixi waa innaanu ku yeelan. Cid kale, oo hogaan ah,laakiin komishankan immika aan aheyn waxay doonaan ha noqdeenee.

Sidoo kale, qaar ka mid ah dadka odorosa ee aqoonta dheer u leh arrimaha siyaasadda geeska afrika, iyo Somaliland, ee aadka ugu xeel dheer, ayaa qaba iyaguna dhankooda, sidda kaliya ee lagu  bad-baadin karo Somaliland inay tahay Komishanka immika jooga  inay yihiin fashil iyo kasal.madaama xilkiisii uu dhamaaday Madaxweynaha,waxa loo baahan yahay wax xal gaadhsiiya dhinacyada is haya oo doorasho gaadhsiiya xor iyo xalaal ah.haddii la doonayo in meesha wax laga qabto ka hor 26-ka bisha December,2022-ka inta aan la gaadhin.haddii kale Muuse Biixi Cabdi daliilka kaliya ee  uu soo wado ay tahay 26-ka December, way dhaceen sharciyaddii saddexda xisbi UCID iyo Waddani iyo Kulmiye, isagoo doonaaya innuu muran kale halkaas ka bilaabo. 26 December ayay kaga eeg tahay ayuu ku doodi doonaa Muuse Biixi.markaa ka hor waa in talaabo la qadaa oo arrimahan fulaan.waana xalka ka liya ee lagu wada qanci karo ama lagu kala bad-baadi karo.

Komishankan immika jooga isagii ayaa gacanta kula jira.waa in cid gaadhsiisa waa in dib loo magacaabo Guddi la-wada ogol yahay la magacaabo oo cusub.si loo galo doorasho cadaalad ah oo xor iyo xalaal ah, si loo galo doorasho inay ka dhacdo Somaliland ayaa loo baahan yahay.barnaamijkaas ayaa loo baahnaa in la abuuro immika oo la bilaabo, lagana wada shaqeeyo.haddii wanaag la doonayo oo ciddii lex-jeclo ka hayso Somaliland

Dhanka kale, Siyaasiyiin aqoon fog u leh Xisbiyadda maanta isku haya doorashooyinka Somaliland, ayaa ku doodaaya in mucaaridka laf-tigoodu ay hurdaan iyo doorka arragtidoodu gaadhsiisan ka walaacsan yihiin waxa uga meel yaala madaama shaaciyeen dhamaadka muddo xileedkii hogaaminta dalka Madaxweyne Muuse Biixi bayaamiyeen, qorshaha hayaan ama u meel yaala lagu badbaadinayo jiritaanka Somaliland u burburin aaney jirin.

Ilaa iyo hadda ma jirto talaabado xigta oo la qaaday ilaa hadda oo dhinacyada isku haya doorashooyinka Somaliland lagu wada hadalsiinayo ama cid wn-waan ka dhex-bilaabay labada xisbi mucaarid Waddani,UCID iyo Muuse Biixi cabdi. Si-kastaba ahaatee ma muuqato qorshe lagu badbaadinayo dawlad-nimada madax-banaanida 30 sano dawladii ay soo  dhisayeen shacabka reer Somaliland.

Halkan hoose kala soo xidhiidh Xafiiska E-mail:  Xafiiska baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com