Safiir Jarmal ah oo ku sugan Somaliland

0
24

Hargeysa,-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamigaa ee JSL Cabdiraxmaan Daahir Aaden oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud Maxamed Cabdiraxmaan Xasan ayaa manta xarunta wasaaradda ku qaabilay safiir ku xigeenka dalka Jarmalka Katrin Josten iyo madaxa horumarinta iskaashiga Simon Hagemann, oo safar shaqo ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waftiga ayaa wasiirka uga warramay muddadii dheerayd ee dalka Jarmalku ka caawinayey jamhuuriyadda Somaliland biyo ballaadhinta caasimadda, iyagoo tibaaxay kaalintii baaxadda lahayd ee ay ka qaateen muddadaas iyo garab istaaggii ay la barbar joogeen wakaalada biyaha Hargeysa, sidoo kale, wixii u hirgalay si ay caasimaddu u hesho biyo ku filan.

Furitaankii maalintii shalay ‘wejiga labaad ee biyo ballaadinta caasimadda’ oo ay maalgalinayso dawladda Jarmalku, iyadoo la soo marinayo bangiga horumarinta Jarmalka, ayey tibaaxeen inuu qayb weyn ka qaadan doono marka uu dhammaato biyo yaraanta caasimadda, waxaanay uga warrameen wasiirka sida loo fulinayo iyo miisaaniyadda ku baxaysa. Sidoo kale, waxay tilmaameen dhinac-yada kale ee ay ka caawiyeen Somaliland ee ka geddisan biyaha.Ugu dambeyn, wasiirka ayaa ku bogaadiyey dawladda Jarmalka taageerada kala duwan ee ay siiso jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan maalgalinta muddada dheer ee la xidhiidha biyo ballaadhinta Hargeysa, oo wakhti hore soo bilaabantay, isagoo xusay, sida taageeradaasi uga qayb qaadatay xal u helidda biyo yaraantii muwaadiniinta caasimadda inkastoo wali aan xal dhammaystiran loo helin.