Qadar saddex daqiiqo ah ayaan il-maynayey (ooyaayey),gudaha dekedda Berbera..”

0
175

Berbera,(Baraarugtv.com)-Muddo gaadhaysa 20 sanno ka hor ayaa iigu dambaysay gudaha dekedda Berbera ee Gobolka Saaxil ee Somaliland. Balse xilligaa iigu dambaysay in ay indhaheygu arkaan gudaha iyo habka ay u shaqaynayso dekedda Berbera.labada jeer ee aan gudaha dekedda soo galo waxay aheyd wakhtigii dawladdii UDUB ee Madaxweyne Daahir Riyaale,waxa mareeyaha Dekedda Berbera ahaa Cali Xor-xoor oo ku beegnayd sannadkii 21/5/ 2007-dii.waan ka tegay magaalada Berbera,laakiin waxaan mar saddexaad ku soo moqday magaalada Berbera bishii sagaalad shanteedii laba kun iyo afar iyo tobankii 5/9/2012-kii dhamaadkiisa ayey ku beegnayd.wakhtigaa waxa badhasaab ka ahaa Gobolka Saaxil Ramaax,mareeyaha Dekedda Cali Xorxoor oo dawladdii Axmed Siilaanyo ayey aheyd.wax is baddel ah oo la taaban karo oo ka muuqday dekedda iyo guud ahaan-ba gudaha magaalada Berbera,siddii aan kaga tegay 2007-dii ayey aheyd.

Waxaan cagta soo dhigay 12 sanno ka dib magaalada Berbera Axadii todobaadkan aynu ku jiro ee bishan 18/7/2024-ka.markii aan soo galey gudaha magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera oo dhamaan is badel weyn ka muuqdo.wadooyinka iyo jidadka magaalada oo wada laabad iyo laydh lagu xardhay,jidadka iyo meelkasta oo magaalada ah dhir baa lagu beeray.

Aniga oo is waydiinaaya is badelka iyo bilicda ka muuqda gudaha magaalada,ayaan hore u sii qaadey jidkii qaban jiray dekedda Berbera.intii aan ku sii jeeday dhanka dekedda,waxaan sii socdaba markii aan gaadhey marsadii,gudahana u galey dekedda Berbera waxaan galey duni kale oo aan aheyn dalka somaliland.si qof waalan ayaan isla hadlayey intii aan dhex lugaynayey gudaha dekedda Berbera.waxa i qabsadey sida dhibicda roobka su’aalo naftaydu is waydiinayso.tan aan dhex lugaynayo ma Dekeddii Berbera baa,mise waa Dekeddihii Dubay,Hindiya iyo Maraykan.anigoo ku dhex abadey qaabka loo casgareeyay iyo dib-u-habeynta lagu sameeyay muraayad iyo ilays midabo kala duwan bixinaaya markii aan ku wareeray,asqoobay.waxa ii yeedhay rag dhalinyaro ah dhinacayga jaleecay ayey indhahaygu qabteen dhalinyaro ku labisan dirays cusub oo astaan u ah shaqaalaha dekedda Berbera. Waxaan u sheegay in aan mareeyaha dekedda u baahaney.gacanta ayey i qabteen xiili aan ku qiyaasey kowdii maalin-nimo ayaa lay geeyay xafiiskiii mareeyaha dekedda.albaabka xafiiska aan gudaha u soo galey.waxaan indhaha qac ku siiyey nin fadhiya kursiga,waar ma Eng. siciid  Xassan Cabdillaahi baa,mise waa indhaheyga?

Waa Eng.Siciid Xassan oo aanu saaxiib aheyn muddo gaadheysa 40 sanno.runtii waxaan la dhacey habka maamulka dekedda iyo dhalinyarada rag iyo habla leh oo ka muuqato aqoon iyo shaqo wanaag.akhristayeyaal maqaalkan aan qoray maaha guul wadeyn iyo mid aan cid gaar ah ku amanaayo,alle ayaa og qofkasta uurkiisa,laakiin markii aan arkay is badelka weyn ee ka muuqda dhamaan magaalada Berbera iyo dekedda,sida maamulka maayir Cabdishakuur Ciddin iyo eng.Siciid Xassan Cabdillaahi u badaleen maamulkii hore ee Maayirkii Sandheere iyo badhasaabkii Ramaax ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo.dawladda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,waxyaabaha ay ka samaysay Dekedda Berbera qadar saddex daqiiqo ah ayaan il-maynayey (ooyaayey), markii aan arkay gudaha dekedda Berbera international port Dakadda Caalamiga ah ee Berbera Somaliland. Habeen iyo maalin ba sidaasay u daaran tahay. Macaamiisheeda dunida dacaladeeda odhan sidaasay ugu shaqeesaa.

Waxa qoray maqaalkan Cabdirashiid Axmed.

Email÷baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com