“Qof Kastoo Somaliland Ah Oo khalad ka Tirsanaaya Qabiilada Isaaq la yidhaahdo.Anigu..”

0
228

Uk,(Baraarugtv.com)-“Xukuumadu way ku dagdagtay xildhibaan Maxamed Abiib inay tidhaahdo xilka ha laga qaado, iminkana xalku wuxuu ila yahay in ay raaligalin bixiso.

qof kastoo Somalilander ah oo khalad ka tirsanaya qabiilada Isaaq la yidhaahdo waxaan anigu siinayaa raaligalin buuxda, dalkana waa la wada leeyahay reer gaar ah ma lahan, waxaan ka codsanaya dadka caqliga u saaxiibka ah dadka Somaliland dawlada iyo shacab iyo dhamaan xisbiyada iyo ururada inay dalka ka qabsoomato doorasho nabadgalyo ku salaysan lagana heshiiyo colaadaha inasoo daashaday, la isna cafiyo maxaabista 2da dhinacbana in la soo daayo lagu dadaalo, ilaahayna laga baqo.gobolka sool iyo gobolka awdal waa halbowlaha Somaliland wixii mar hore iyo mar danbe dhibaato soo gaadhay aad baan uga xumahay, danbiilayaashana xisaabtii alle baa sugaysa.”sidaa waxa ku baahisay facebuugeeda Kubra Xaaji Xasan Xaaji Maxamuud oo ka soo xigatey xafiiska wararka ee shabakada baraarugtv.com kubra Xaaji  Xasan Xaaji Maxamuud oo ka tirsan madaxda sarsare ee xisbiga mucaaridka ah ee waddani