Khasaaraha Dhimasho Ee Ka Dhashey Qarax Lala-eegtay Ciiddamada Itoobiya Ee Soomaaliya

0
33

Waajid (Baraarugtv.com)-Ciidamadda Itoobiya ee ku sugan koofurta Soomaaliya,ayaa maanta lagu weerarey qarax.isla markaana waxa la sheegay in gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya in maanta ciidamada Itoobiya ah qarax culus lagula beegsaday  degmada Waajid ee gobolkaas, kaasoo gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Qaraxu dhacay xilli ciidamada Itoobiya Degmada Waaji eeGobolka Bakool.Balse miino loogu aasey dhulka ay haleeshay mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidamada Itoobiya. Qaraxa kadib ciidamada ayaa furay rasaas kooban, waxayna,kuwaas oo xayiray dhaq-dhaqaaqa waddada, inkastoo saacado kadib ay isaga tageen goobta lagu qarxiyay.

Geesta kale, kooxda Al-Shabaab oo war ka soo saartay qaraxa ayaa sheegay  inay ku dishay ugu yaraan 3 askari oo ciidamada Itoobiya ah,halka ay ku dhaawacday 4 kale, sida ay sheegtay kooxda Alshabaab.

Sidoo kale,qoraalka ka soo baxay kooxda Al-Shabaab waxa lagu sheegay inay gubeen mid kamid kolonyada gaadiidka  ay wateen ciidamada Itoobiya.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Itoobiya iyo maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo ku aadan qaraxa loo dhigay kolonyada ciidamada Itoobiya.

Email baraarugnews@gmail.com