Qaab Ka Duwan Nidaamkii Hore Oo Lagu Daahfuray Tartanka Marshuuc Guddida Qadaraasyadda Dawladda Somaliland

0
28

Qaab Ka Duwan Nidaamkii Hore Oo Lagu Daahfuray Tartanka Marshuuc Guddida Qadaraasyadda Dawladda Somaliland

Hargeysa [Baraarugtv.com]-Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland,ayaa maanta furay tartanka hal mashruuc,isla markaana waxa u baratamaaya 20 shirkaddood .
Xubnaha Guddida qaadeysa imtaxaanka shirkadaha u tartamaaya marshuucan ayaa lagu dhaariyey kitaabka quraanka ka riimka ah.

Magaalada Oodweyne ee Gobolka Daad-madheedh,ayaa maanta si daahfuran oo babliga ah lagu soo bandhigay Mashruucan oo ku soo tartamay 20 shirkadood.
Furitaanka Mashruucan oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL, Xubnaha Guddida, Agaasimaha Guud ee G Q Q iyo masuuliyiin kale.
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Abdoo Axmed Aayir ayaa u mahadnaqay shirkaddaha ku soo tartamay Mashruuca dhismaha Xabsiga Degmada Oodwayne sido kale u sheegay in go’aanka shirkada ku guulaysata mashruucan lagu dhawaaqi doonno maalinta sabtida Octobar, 04, 2025.Halkan ka daawo muuqaalka