Somaliland:-Maxay Ka Dal-batey Shirkadda SADAT Milatari?

0
8

Somaliland:-Maxay Ka Dal-batey Shirkadda SADAT Milatari?

Somaliland,(RSI)-Somaliland Oo ah dal madax-banaanidiisa ku dhawaaqey inay dib-uga noqotay wixii la odhan jiray midawgii soomaali-weyn,laakiin raadinaaya aqoonsi caalami ah,ayaa hadda wajahaaya caqabado xagga abniga ah sannadadii u sameeyay.kaasoo ay tusaale u tahey,Ka Dib markii ay gacmaheeda Ka Baxay qaybo gobolada bariga Sool iyoSanaag,ama boqolkiiba sagaal iyo sodon dhulkii Somaliland sheeganaysay.
Sidoo kale,dalka jaarka ah ayaa u haqal tagaaya xeebaha Somaliland,sidda Ethiopia iyo Jabuuti. Xutiyiinta Dalka Yaman ayaa iyaguna halis ku ah Ganacsiga Dekedda Berbera.caqabadaha Somaliland Ka haysata inay hesho waddamo Ka taageera dhanka militariga.madaama ay tahey dal la aqoonsaneyn,Balse Waxa jira shirkad bareefad Oo la yidhaahdo SADAT.
bareefad milatari (Arm Security Company),taasoo xal u Noqon karta inay Somaliland hesho quwad ciidan Oo muwaadiniinteedu isku-halayn karaan.
Maxay ku dooran karaan shirkadda SADAT Milatari?
1.aqoon iyo khibrad dhanka afrika ah.
SADAT waxay tobabar siisay waddamada Nayjar,Burkiina-faso.iyadoo Ka caawisay Ka hortaga jabhadaha iyo ilaalinta xuduudaha badda iyo dhulkaba. Khimbaroodu waxay ku haboon tahey Somaliland
2.fursada shirkadan ku jirta.
Shirkad gaar ah waxay Ka talaabsan karta sharciyada caalamiga ah,heshiisyada dawladdaha ay galaan.kuwaa Oo aan iyada xanibayn. Wax dhibaato ahna UGA imanayn dalkiisa Laga lahaa.
3.dhaqaale ahaan waa mid jaban. Shirkadan waxay ogolaan kartaa inay qidmadeeda ku qaadato khayraad cayiman iyo muddo cayiman.sidda macdanta iyo kaluunka.
Su’aasha ugu wayni waxay tahey,shirkadda SADAT miyaaney fursad u aheyn dawladda Cusub ee madaxweynaha somaliland Cabdiraxmaan Cirro?
https://www.sadat.com
https://www.sadat.com.tr
Waxa qoray Falaqeeye gaadhle