Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu saxeexay Xeerka Booliiska 06/07/2026.

0
2

Baraarugtv.com-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu saxeexay Xeerka Booliiska 06/07/2026. Qodobka 34aad ee Xeerku waxa uu aasasaayaa Gudida Cabashooyinka iyo Dabogalka Booliiska. Gudidaas oo ay shacabku uga caban karaan Booliiska waxa ay u kala qaybsan tahay heer qaran iyo heer gobol. Gudida Heer Qaran waxa ay ka kooban tahay:
1. Xubin ka socota Wasaaradda Arimaha Gudaha.
2. Sarkaal Booliis ah.
3. Sarkaal Booliis ah.
4. Xubin ka socota Gudida Maamul Wanaagga.
5. Xubin ka socota Gudida Xuquuqal Insaanka.

Sida qodobka ku qoran, gudida heer gobol waxa magacayaaba gudida heer qaran.

Hadaba, iyada oo qaabka Gudida Cabashadu u samaysan tahay aanay ahayn sidii la rabay ee ugu fiicnayd, hadana waa hay’ad sharci ah oo buuxinaysa meel banaan. Sidaasdarteed, Wasiirka Arimaha Gudaha waxa waajib ka saaran yahay fullinta qodobkan iyo aasaasidda Gudida si dadka reer Somaliland ee cabashada qabaa ay u helaan fursad ay ku gudbiyaan wixii cabasho ah ee ay hayaan.

W/Q: Garyaqaan Guuleed Dafac.