Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar saddex maalmood qaatay ugu maqnaa dalka Itoobiya ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.
Safarkan oo ahaa midkii ugu horreeyey ee madaxweyne Cirro uu ku tago dalka Itoobiya ayaa noqday mid si weyn isha loogu hayey lagana war sugayey xogaha ka soo bixi doona socdalka madaxweynaha iyo shaqooyinka uu ka soo qaban doono magaalada Addis ababa.
Soo dhawaynta Addis-ababa
Madaxweyne Cirro waxa garaoonka loogu qaabilay hannaan sare , waxana soo dhaweeyay wasiirka arrimaha Dibadda Ethiopia balse guud ahaan warbaahinta xukuumaddu maamusho ee Ethiopia waa laga ilaaliyay warka iyo xattaa baraha bulshada wasaaradda arrimaha Dibadda Ethiopia xogta safarka madaxweyne Cirro.
Madaxweyne Cirro waxa ay kulan yeesheen raysal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, sida wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland sheegay balse marka laga tago arrimaha dulka xaadiska si dhab ah looma sheegin xogaha waa weyn ee laga wadahadlay.
Sidoo kale ma jirto wax sawirro ama muuqaalka ah oo laga baahiyay kulanka Sidii loo baahin jiray kullamadii hore ee dhexmari jiray madaxda Somaliland iyo Ethiopia.
Arrimaha MOU.
Labada dhinac midna ma sheegin in ay ka wadahadleen arrinta isfahamkii hore u dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia balse Ilo-wargaleen ah ayaa Gallaydh TV u sheegay in laga wadahadlay arrinta badda balse aan la gaadhin wax midho dhal ah.
warku waxa uu intaa ku darayaa in Ethiopia codsatay in meesha laga saaro hal qodob oo muhiim ah oo ku jiray MOU kaas oo ah Ictiraafka Somaliland.
Xogtan waxa sii xoojinaya warsaxaafadeed Ethiopia soo saartay maalin ka hor booqashada madaxweyne Cirro ee Addis-ababa iyagoo sheegay in madaxweynaha Soomaaliya ogolaaday in Ethiopia xaq u leedahay in ay marin biyood hesho halka Ethiopia ilaalinayso midnimada Soomaaliya.
Miyuu deg degay madaxweyne Cirro?
Safarka madaxweyne Cirro ee dalka Itoobiya ayaa ahaa mid kedis ah oo u muuqda in uu dalabku ka yimid dhinaca dawladda Ethiopia.
Ilo-dublumaasiyadeed ayaa sheegay in xukuumadda Cirro dhawr goor oo hore dalbatay la kulanka Abiy Ahmed balse markasta dhinaca Addis-ababa dib u dhacu ka imanayay.
Sidoo kale madaxweyne Cirro ayaan beddelin wakiilkii Somaliland ee Addis-baba arrintaasi oo la sheegay in xukuumadda madaxweyne Cirro ka baqday in wakiilka cusub Ethiopia ka qaban waydo waraaqaha.
In safarka madaxweynuhu uu ahaa mid deg deg ah oo aan hore loo sii qorshayn waxa sii xoojinaya madaxweyne Cirro waxa qorshaha ugu jiray in uu maanta joogo Ceerigaabo halkaas oo uu kaga qayb-galayay maalinta Cunta Adduunta iyo weliba in uu furo wajiga labaad ee nabadda Ceerigaabo.
safarka Madaxweyne Cirro maalin ka hor waxa Addis tegay madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Abiy Axmed.
Maxay sheegeen weftigii dalka ku soo laabtay?
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal oo markii weftigu dalka yimaadeen Warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka Cigaal wuxuu sheegay in ay la kulmeen madaxda dalkaas ugu sarraysa isaga oo aan bixin faah faahin qota dheer oo ku wajahan arrimihii safarka saddexda maalmood qaatay.
Wasiirka ayaa guud ahaanba ka gaabsaday su’aalihii ay Warbaahintu ka waydiin lahayd xogaha safarkooda la xidhiidha.
Lama oga sababta uu wasiirku su’aalaha u diiday iyo weliba waxa keenay in aan xog waafi ah laga bixin socdaalkii madaxweyne Cirro ee dalka Itoobiya.