Muxuu Daarnaa kulankii maanta fooda isku dareen madaxda Wasaaraddaha maaliyadda iyo ganacsiga somaliland?

0
207

Hargeysa,(baraarugnews.net)-Kulanka Is-Xogwaraysiga Iyo Wadatashiga Wasaaradda H. Maaliyadda, Rugta-Ganacsiga Somaliland Iyo Xubno Matalayey
Hargeisa 26 Oct, 2022 {WHM}- Kulan muhiimad-sare leh oo ay soo agaasintay Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa maanta magaalada Hargeisa ku dhex maray xubno door ah oo ka socday qaybaha kala duwan ee ganacsatada Dalka, masuuliyiinta Rugta-Ganacsiga Somaliland, Wasaaraddaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Dalxiiska.


Kulankan oo ay ujeedadiisu daaranayd wadatashi iyo is-xogwaraysi waxa uu dabo socday kulan hore ay u yeesheen dhinacyadu 31-kii July, 2022.

Marka laga tago culaysyada dhaqaale ee aynu la qabno mandaqadda iyo dunida inteeda kale, waxa jirtay daraasad ay Waaxda Kastamadu soo saartay dhawaan oo ay ka samaysay xaalada hada ee dhaqdhaqaaqa badeecaddaha Dalka soo gala iyo kuwa ka baxaba, nuxurka qodobadii ka soo baxay daraasaddaasi ayaa keentay in ay dhinacyadu is kaga yimaadaan si ay si wada jira isula gorfeeyaan duruufaha ku gadaaman hada ganacsiga Dalka, ka faaiidaysiga furdaddaha muuqda iyo in la is dareensiiyo kaalinta ganacsatada iyo ta Dawladda.

Xubanaha ganacsatada ka soo qayb galay kulanka oo ahaa ilaa iyo 60 xubnood, una badnaa ganacsatada debedda ka soo waarida badeecaddaha is la jeerkaasna is kugu jiray heerarka kala duwan ee ganacsatada Dalka iyo masuuliyiinta sare ee Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Ganacsiga ayuu kulankani fursad weyn oo ay ku kala bogtaan u ahaa. Waxaana gabogabadii kulanka la is la qaatay in ficil loo badelo talooyinkii iyo soo-jeedimihii la is kula qaatay madasha, in la joogteeyo kulamada noocan ah iyada oo laga balamay kan ka xiga.
=Wabilaahi Tawfiiq=
Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta