Ujeeddada:-Maxay Tahey Kulanka Dhex-marey Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Jidadka Somaliland Cismaan Afgaab Iyo Agaasimayaasha ?

0
11

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cismaan Ibraahim Nuur(Afgaab) ayaa kulan is barasho ah Laqaatay Agaasimayaasha Waaxaha ee Wasaaradda.
Kulankan oo uu ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudene Craxmaan Abdeeq ayay Agaasimayaasha waaxahu uuga warbixiyeen Wasiirka Cusub shaqooyinka ay Wasaaradda u hayaan.

Sidoo kale,Kulankaa ayaa Wasiir Cismaan Afgaab wuxuu u Soo jeediyey dhamaan Xubnaha waaxyada iyo shaqaalaha hawl-wadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka inay daacad iyo iskaashi walaalnimo ah ku wada_shaqeeyaan.isla markaana wuxuu xusay wasiirku innay dhaqaale iyo inay xoolo u Soo doonan xilka loo dhiibay,laakiin ay doonayaan Maanta aqoontooda iyo xoogooda ugu shaqeeyaan shacabkooda iyo dalkooda Somaliland.
Email caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com