Madaxweynaha Cusub Ee Kenya William Ruto Oo loo Dhaariyey Xilka Madaxweynanimo.

0
293

Madaxweynaha Cusub Ee Kenya William Ruto Oo loo Dhaariyey Xilka Madaxweynanimo.
NAIROBI(Baraarugnews.net)-— William Ruto ayaa loo dhaariyey madaxweynaha cusub ee Kenya, xaflad ka dhacday garoonka weyn ee Moi International Sports Center Stadium ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi.
Madaxweynaha cusub ayaa loo dhaariye xilkaasi wax yar ka hor 1-dii duhurnimo, waxaana uu noqonayaa madaxweynihii shanaad ee soo mara Kenya.
William Ruto, hoggaamiyaha xisbiga UDA, ayaa ku guulaystay doorashadii dhacday 9-kii bishii Ogosto ee aynu soo dhaafnay.
Waxaa sidoo kale isna maanta xilka loo dhaariyey madaxweyne ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.
Ruto ayaa doorashada kaga adkaaday Raila Odinga oo markii shanaad xilkaas u tartamay, islamarkaana haystay taageerada madaxweynaha xilka ka degay Uhuru Kenyatta.
Ruto ayaa waxa sugaya shaqooyin ay ka mid yihiin mideynta shacabka Kenya, wax ka qabashada sicir-barar xooggan oo dalka ka taagan iyo sugidda amniga.
Kahor dhaarinta, dhowr qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii dadweyne ay isku dayeen inay xoog ku galaan halka xafladdu ka dhaceysay.
Muuqaallo ay baahiyeen taleefishinada ayaa muujiyey tobanaan qof oo isku dul dhacaya, mid ka mid ah albaabada laga galo garoonka.