Madaxa Diblomaasiyada Itoobiya EPD Oo ka Hadlay Xaalada Qalalaasaha Amaanka Geeska Afrika &Heshiiskii Somaliland

0
51

Itoobiya,(Baraarugtv com)-Madaxa machadka diblomaasiyadda Itoobiya ee loo soo gaabiyo EPDI u qaabilsan Sweden, Yaasiin Axmed, ayaa sheegay in heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya uu ahmiyad weyn u leeyahay ilaalinta nabada geeska Afrika iyo xasiloonida badda cas-ba.

Sidaasna waxa masuulkaasi ku sheegay waraysi uu siiyay Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA, oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee SOLNA, Waxaanu caddeeyay in heshiiskani uu salka ku hayo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta mandaqada Geeska Afrika.

Madaxa machadka diblomaasiyadda Itoobiya u qaabilsan Sweden, wuxuu tilmaamay in Itoobiya kaddin baddeed ku heli doonto marka uu taabogalo heshiiska isfahan (MoU) ee Somaliland iyo Itoobiya ee dhinacyada wada galay dhammaystiraan, isla markaana Itoobiya ay kaalin ka qaadan doonto ilaalinta ammaanka badda cas.

Yaasiin Axmed wuxuu intaa ku daray in heshiiska isfahan uu kor u qaadayo masaalixda dhaqaale iyo ganacsi ee geeska Afrika.

Diblomaasi Yaasiin Axmed waxa uu ku dooday in sharciga caalamiga ahi uu damaanad qaadayo in dalalka aan xeebta lahayni ay door ku yeeshaan badda.

Madaxa machadka diblomaasiyadda Itoobiya u qaabilsan Sweden, wuxuu xusay in iskaashiga ammaanka iyo arrimaha millatarigu horseedi doono iskaashi la xidhiidha dhinaca ganacsiga.