Ma Runbaa In wariyaaysha Gobolka Todheer Isu Bedellen Buusho cun?

0
382

____Wariyayaal Buusho cun Ku danbeeyay—
Dhawr kamida Xayeeshka warbaahinta Gobolka Togdheer ayaa U-tafo Xaytay Kala Irdhaynta & Isku Dirka Bulshada burco.
Waxay hore Ucuneen Ama Dadka ku mamiyay Maamulkii Hore ee Maayir muraad kaas oo ay adeegyadii Bulshada loo Qaban lahaa Iyagu masaariif ka dhigteen dhankasta oo ay Tahay sida Qaybaha waxbarasha,caafimaadka ,xanaanooyinka Iyo Habkasta oo Bulsho wax loo Tari lahaa ayay Raamsi & reero ku yagleelid ka dhigeen.
Waxaaa Yaab ah In Wixii ay Barteen Markii ay Waayeen muraadna Meesha ka baxay Inay ku danbeeyeen Qawlaysto Buusha cun ah.
Sidaaas awgeed Waxaa Yaabka Yaabkii Noqday In ay kusoo dhuuntaan meelo farabadan Iyagoo iska dhigaaya kuwo soo bandhigaaya Baahiyaadka bulshada gobolka Balse aan Marnaba horumar,Hagaajin iyo Tu meel gal ah aan maalin soo bandhigin.
Warbaahinta kala Duwan & Wariyayaasha Caadaystay Naxliga & nacaybka bulshada Waxaa Haboon In loo sheego ama Loogu dhaarto In xildhibaanadan Iyo maamulkoodu aanu ahayn kuwii Buushaha bixin Jiray.
Ayaanle cige faroole mid Kamida Hargo dubatooyinka Indhihiisu aanay marnaba arkin Horumarka balse markasta ku Hawlan Xumaha Iyo Aragtida guracan .
Wuxuu fursad Uhelay ama Isu Hawlay Inuu Maalinkasta Ceebayn & Caqli xumo Indhaha Bulshada kula soo Waabariisto
Isagoo Heli Karaayay Inuu Gobolkiisa Toosin & Tilmaamid meel Mar ah ku Biiriyo.

Mahad Cali Goodir.
Waa Mid Kamida kooxda Hargo Dubatada ah balse aan wali Qaanqaadhin dhanka buusha cunka kaas Oo uu Afka ka weyneeyay Maayir muraad xilliyadii Dulsaarka ahaa Degmada Uu maamulaayay.
Goodir waxaan leeyahay tuduc Abwaan Hadraawi lahaa oo ah
(Gobanimana Wa quus Ninkii Gawska Dhaafsaday)
Mahad cali goodir Isir & ab Umma laha Buusho cunimo balse Waxaan Garan waayay meesha daaduunka & diihaalka Dadnimo xumo Uu Kawato.

Hadaad Garan waydo Kaalinta Kugu Aadan maaha Inaad waliba Buusho Doonto .
Kama xumi Inaan Arko kuwan oo kale balse Waxaan ka xumahay kuwa dabada ka Riixaya ee Xiskoodii & maankoodiiba Isticmaalaya iyagooo soor ku Raadinaaya sharafkii, karaamadii Iyo Raganimadii.
Hadalba gun leh waxaan kusoo gabagabaynayaa
Raganimada & gobanimada midna laysma amaahiyo Sidaas daraadeed
Qiimaha Shillinka Kuma Gadan kartaan ama kuma Iibsan kartaan Sharaftiina & raganimadiina
U-tudha Damiirkiina, Dadnimadiina Iyo diintiina.
By nin Idin la Yaaban