Ujeeddada÷Mareeyaha Dekeddaha Somaliland Oo Ka Hadlay Wefti Reer Caalami Ah Oo Maanta Socdaal Ku Tegay Dekedda Berbera

0
640
  1. Berbera,(baraarugnews.net),Mareeyaha dekedaha somaliland Siciid Xassan Cabdillaahi,ayaa maanta wefti heer caalami ah ku soo dhaweeyay magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera,isla markaana sawirka muujinaaya horumarka uu gaadhsiiyey intii uu hayey xilka mareeye Siciid Xassan Cabdillaahi,waxay soo jiidatey indhaha dawladdaha caalamka dekeda magaalada Berbera.Mareeye siciid Xasan Cabdillashi iyo wefti Genel energy Mareeyaha dekedaha dalka somaliland Siciid Xassan Cabdillaahi oo warbaahinta kula hadlay dekeda magaalada Berbera,ayaa fahfaahin ka siiyey weftiga booqday dekeda Berbera adeegyada kala duwan ee ay bixiso Dekeda Berbera iyo faa,iidooyinka weyn ee ay ugu fadhida qaarada geeska afrika dekeda Berbera,isla markaana weftiga ayaa indhahooda ku arkay talaabada weyn iyo horumarka balaadhan intii uu mareeye Siciid Xassan ahaa mareeyaha Dekeda Berbera guulaha casriyeynta uu ku sameeyay dekeda Berbera,kuwaas oo ka marqaati kacay aqoonta iyo hawl garnimada mareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xassan Cabdillaahi. “Waxaanu maanta ku soo dhaweynay Dekeda Caalamiga ah ee Berbera,wefti ka socda shirkadda shiidaalka ah ee Genel Energy mr Mill Biggs.waxaanu ku soo wareejinay qaybaha kala duwan ee Dekeda Berbera.”ayuu yidhi Mareeyaha Dekedaha Somaliland.Siciid Xassan Cabdillaahi. Haddaba weftigan,ayaa ku soo beegmaaya xilli dhawaan socdaal ku yimaadeen wefti ka socday dalka Norway,isla markaana wefti norway ayaa waxa ka mid ahaa masuulka u qaabilsan dhanka dekedaha dawladda Norway,kuwaasoo mareeye Siciid Xassan Cabddillaahi markii uu sharaxaad ka siiyey dekeda Berbera,heerka aqooneed ee hawl,wadeenada ka hawl-gala Dekeda Berbera,waxay u balan qaadeen mareeyaha Siciid Xasan in ay iskaashi dhanka aqoon ahaan gacan ka siinayaan dhalinyarada ka shaqaysa dekeda Magaalada Berbera ee Somaliland.