“Reer Laascaanood Wixii Dhulkoodii Ku Dumiyeen, Dadkoodiina Ku Laayeen…”

0
47

”Xasan Sheekh waa Inuu Yiqiinsadaa Inaanu Somaliland Waxyeelo uu Gaysan, ee Wuxuu waxyeelo weyn gaadhsiiyey reer khaatumo, Safiirka hore ee Maraykanka ee muqdisho waraysigiisaasi uu bixiyey Somalia iyo khaatumoba cibro aad u wayn baa ugu Sugnayd”. Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.
Safiirka hore ee Maraykanka ee muqdisho waraysigiisaasi oo weliba la wada og yahay inuu ahaa nin Qaranimada Somaliland ka soo horjeeday, Sida Muuqatana ay Somalia ahayd inuu waraysi bixiyo mid ay Si weyn ugu lug lahaayeen, Qaabka xitaa Su aalaha loo waydiinaayey waxay ahayeen qaar laga keenayey meelkasta oo ay ka filayeen inay jawaab Somaliand waxyeelo ku ahi ka timaado, laakiin waxaanay Ogayn inaanay dadku sidoo ahayn qaar caadifad hadla.
Haddaba jawaabaha ninkaasi bixiyey Somalia iyo khaatumoba cibro aad u wayn baa ugu Sugnayd, Xaqiiq waxa ah inaanay reer Laas-caanood wixii ay dhulkoodii ku dumiyeen, dadkoodiina ku laayeen garanayn wax uga soo baxayaana Aanay marnaba jirin. Xasan Sh.na waa inuu yiqiinsadaa inaanu Somaliland waxyeelo uu gaystay aanay jirin ee wuxuu waxyeelo weyn gaadhsiiyey reer khaatumo, umad kasta majorityga ayaa la qaataa Somaliland majoritygeeduna waa isaaq buu ku yidhi.
Arrinta kale ee iyana Cadi Waxay tahay Magaca Somali Cida iska lihi ee waqti dheer la odhan jiray reer Somaliland ayey ahayd qoladan reer koonfureed iyaga lama odhan jirin, Iyaga siciid barqash ayaaba talyaaniga ka iibiyey. isku soo.wada duuboo waxay ahayd inay waraysigaas wax ku qaataan.
Waxa qoray Kayd Cabdillaahi Xandule

Caarshe7@hotmail. com