Muxuu Daarnaa Shirka Maanta Ka Dhacay Gobolka Saaxil Ee Magaalada Berbera?

0
12
Halkan Ka Akhri:-Muxuu Daarnaa Shirka Maanta Ka Dhacay Gobolka Saaxil Ee Magaalada Berbera?
Halkan Ka Akhri:-Muxuu Daarnaa Shirka Maanta Ka Dhacay Gobolka Saaxil Ee Magaalada Berbera?

Halkan Ka Akhri:-Muxuu Daarnaa Shirka Maanta Ka Dhacay Gobolka Saaxil Ee Magaalada Berbera?

Halkan Ka Akhri:-Muxuu Daarnaa Shirka Maanta Ka Dhacay Gobolka Saaxil Ee Magaalada Berbera?
Halkan Ka Akhri:-Muxuu Daarnaa Shirka Maanta Ka Dhacay Gobolka Saaxil Ee Magaalada Berbera?

Berbera,(BaraarugTV.com)-Mareeyaha Dekeddaha dawladda Somaliland Eng Siciid Xassan Cabdillaahi,ayaa maanta shir al-baabadu u xidhan yihiin la yeeshay ilaalinta laamaha amaanka guud ee dekeddaha Somaliland.
Mareeyaha Dekeddaha Dawladda Somalilabd Eng.Siad Xassan Cabdillaahi,ayaa xafiiskiisa Dekedda Berbera shir kula yeeshay ku saabsan ilaalinta amaanka Dekeddaha,isla markaana shirkaas oo ka qabsoomay Xafiiska Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland Eng Siciid Xassan Cabdilahi Ammaanka guud ee Dekedda Berbera iyo taliyeyaasha abniga si-qotadheer uga wada_hadleen arrimaha amaanka Dekedda Berbera iyo dekedaha yar_yar ee ku teedsan xeebaha dhanka bariga ee biyaha badda cas ee dalka Somaliland.
Kulankaa oo maanta al_baabadu u xidhnaa ayaa la sheegay in Mareeyaha Eng.Siciid Xassan Cabillashi,ayaa la sheegay innuu warbixin ka siiyey Taliyeyaasha amaanka,sida maanta dawladdaha caalamku indhaha ugu hayaan dekada Berbera iyo guud ahaan badda Somaliland.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Mareeyaha Dekeddaha ayaa la sheegay in shirkaa maanta dhex-maray laamaha ilaalinta Dekedda Berbera u sheegay in shirkii dhawaan lagu martiqaadey Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ee ka dhacay dalka Imaaradja Carabta madaxweynayeyaashii,ganacsatadii iyo madaxdii kale ee ka socday dawladdaha adduunka sawirka uu muujinayey ama ka muuqday hadaladii laga jeediyey shirkaa Imaaradka Carabta,sidda adduunyadu maanta u danaynayso dalka Somaliland,taasoo uu tilmaamey bog-cada istaraajiyadeed ee ku taal Somaliland.
Sidoo kale,shirkaa dhex_maray Mareeyaha Eng.Siad Xassan Cabdillaahi iyo ilaalada amaanka ayaa la sheegay markii shirkaasi soo dhamaadey uu halkaa hadal dheer oo dardaaran iyo in dedaalkooda sii laban-labaan,si ka duwan siddii hore wixii maanta ka dambeeya u shaqeeyaan oo dedaal dheeraad ah iyo xil iska saaro adkaynta amaanka,Balse Mareeyaha Dekeddaha Somaliland,ayaa hoosta ka xariiqay in waxyaabaha ay dawladdaha caalamku u sheegaan Dawladdaha Afrika,kuwa deriskeena iyo dawladda aan maanta gacanta ku hayn qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Madaxweyne Xasan Sheekh .Isla markaana Mareeyaha ayaa sheegay in dunidu ku majeerato nidaamka habka aynu ugu adeegno dadka wax kala soo dega ama ka dhoofsada dekedda Berber oo lagu lafa guray arrimo muhiim u ah ilaalinta bad-qabka iyo ammaanka guud ee dekeddaha Somaliland.