Qaabkii Madaxweynaha Jabuuti u Dilay Duuliye Fu,aad Yuusuf Cali

0
269

Jabuuti,(Baraarugtv.com)-Laba xidigle ka tirsan ciidanka cirka Dawladda Jabuuti Fu’aad Yuusuf Cali,ayaa ku dhex-dhintey saldhig uu ku xidhnaa ku yaal magaalada Jabuuti oo lagu magacaabo Gabood.

Qaar ka mid ah saraakiisha Ay-jeesha ciidanka Jabuuti,oo ka gaabsadey magacooda in aanu sheegno,ayaa u xaqiijiyey warbaahinta Red Sea Intelligence TV in muddo lix sanno iyo dheer ah ku xidhnaa saldhig Jabuuti ah, ka dib  Fu,aad Yuusuf Cali  hab-qarsoodiya loogu muday sun ama lagu durey jidhkiisa oo uu ka dambeeyay Ismaaciil Cumar Geelle ku  diley Cornayl Fu,aad Yuusuf Cali sun lagu muday.

Qaar Saraakiisha ka mid ah ayaa xusay in bishii la soo dhaafey December 12/2025-ka uu geeryooday ALLE ha u naxariistee Fu,aad Yuusuf Cali.Isla markaana qaar ka mid ah beesha Ciise ee ku dhaqan Jabuuti,ayaa maanta isu-soo bax mudaharaad lagaga soo horjeedo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka dhacey dalka Jabuuti.

Isla markaana Fu’aad Yuusuf Cali, oo ahaa duuliye ciidan, ayaa u cararay Itoobiya,ka dib markii uu dhalleeceeyay “cadaalad darrada ka dhex jirta Milatariga dalkaa Jabuuti.
Fu’aad waxa uu ka tirsanaa ciidamada cirka Jabuuti. Muddo toban sano ah, wuxuuna ku andacoonayaa inuu la kulmay taciddiyo kala duwan iyo cadaalad darro.Balse Fu,aad xilli uu isu diyaarinayay inuu gudbisto codsi megengelyo ayaa duuliyaha lagu xiray Addis Ababa.

Taariikhda Fu’aad oo kooban

Fu’aad wuxuu Bishii October ee 1983-dii ku dhashay Magaalada Jabuuti, gaar ahaan xaafadda Xayaabley, halkaas oo uu ku korey.

Duuliyahan u xiran dowladda Jabuuti wuxuu dhalay toddobo carruur ah oo kala ah 5 will iyo 2 gabdhood.
Wuxuu wax ka bartay jaamacadda jibuuti, oo uu dhammeeyay sannadkii 2003-dii.

Ciidammada wuxuu ku biiray 2006, waxaana loo diray dalka Morocco oo uu ku soo qaatay tababarka Duuliye. Afar sano ayuu halkaas ku maqnaa.

2010 wuxuu shaqo ka billaabay xerada ciidammada cirka Jabuuti, waxaana la siiyay xiddig.

2014 waxaa loo diray koonfur Afrika si uu usoo qaato tababar dheeraad oo duuliyanimada. Laba sano ayuu ku maqnaa

2019 ayaa laba xidigle laga dhigay

Bishii March 27, ee sannadkan ayuu dhinaca itoobiya u goostay

Magangalyo ayuu bishii April weydiistay Itoobiya

15 April Itoobiya waxay ku soo wareejisay Jibuuti,isla markaana Fu,aad oo mudo gaadheysa lix sano iyo dheeraad ku xidhnaa jeelka Gabood ayaa la sheegay in geerida dhimashadiisa la ogaadey xaley.