Jahli baa ina reebay ee dadkeennu waxbarasho ma u baahan yahay? Haa. Qofku xor ma u yahay waxa uu doono in uu barto? Haa. Ma bannaan tahay dalkeenna in shisheeye iskuullo ka furto? Haa, haddii ay dastuurka dalka waafaqsan tahay. Dad Masiixi ahi carruurteenna waxbarasho iyo barbaarin ma siin karaan? Dabcan, haddii ay wax ku dhigayaan manhaj waafaqsan dastuurka dalka. Qofku xor ma u yahay diinta uu doono in uu qaato? Haa, xornimo buuxda, laakiin innagana waxaa innagu waajib ah in aynnu dadkeenna ka ilaashanno in la khiyaano ama duruuf loo ga faa’iidaysto.
Wax aynnu is la og nahay quwadaha imbiriyaaliga ahi in ay ka shaqeeyaan dadyawga kale in ay diin iyo dhaqan dooriyaan oo tooda gashadaan. Laakiin ma jirto cid oggolaata in la dhalanrogo oo wax kale la ga dhigo. Markaa imbiriyaaligu wax uu adeegsadaa khiyaamayn, sasabid, awood debecsan oo wax siintu u gu horrayso iyo marka la doono awood qallafsan. Intaas oo farsamo dunida waa la gu soo arkay maantana waa la arkaa. In dadka baahida loo ga faa’iidaysto ayaa maanta la is la og yahay. Waxyaalaha imbiriyaaligu faafiyaa aad bay u badan yihiin oo waxaa ka mid ah diinta, dhaqanka iyo afka, aydoolojiyad siyaasadeed iyo guud ahaan dib u qaabaynta hab-fikirka iyo hab-dhaqanka dadyawga kale.
Sidaa darteed waa waajib weyn in la dabo galo oo la baadho shisheeyaha dalkaaga ka shaqaynaya, dadka u shaqaynaya iyo waxa la ga shaqaynayaba. Samafilashada ah “waa la i jecel yahay oo bilaash baa la ii caawinayaa” waa barta ahbalnimadu ka bilaabato kuna dhammaato.
Haddaba Jaamacadda Barwaaqo iyo dugsiga Abaarso ma jirto cid dhab u dabo gashay waxa ay yihiin, mana ogin hadafkooda. Labadoodaba waxaa halkudhig u ah, oo ay qoraal iyo hadalba ku caddeeyeen, in ay soo saarayaan hoggaamiyayaasha mustaqbalka. Maxaa iyaga ka galay hoggaamiyayaashayada mustaqbalka? Sow ma cadda in meesha la ga lee yahay qorshe yool fog oo ku saabsan beddelidda iyo u talinta mujtamaceenna?
Sawirkani waa hawlwadeenka Barwaaqo University. Arrinta aadka u xiisaha badani waa in aanay jirin wax muuqda oo dadkan ka dhexeeya oo halkan isu gu keeni karaa, sinaba. Waa ka la wada dal, waana ka la wada xirfad. Ta yaabka leh ee ay dadkani wadaagaan waa in ay dhammaantood ka soo shaqeeyeen dalal badan oo aan dalkoodii ahayn. Bal u fiirso: Joy Oghogho Isa (Nayjeeriya), Gabriella Harris (Ingiriis), Elisabeth Ollerhead (Kanada), Jin Sasaki (Jabbaan), Vidas Varma (Singabuur).
Mar haddii aan wax inoo muuqda oo isu keenay jirin wax qarsoon oo ka dhexeeya ayaa jira. Kol haddii aan dan muuqata oo ay iskuulka ka lee yihiin jirin dan qarsoon baa jirta. Tuhunkaasi ka ma foga faafinta diinta Nasraaniyada iyo qiyamka ay wadato. Qof baa odhan Kara oo diinta ay faafinayaan sow la ma arkeen oo ardaydu ma sheegteen? Anigu ma ogi in ay hawshaa ku jiraan, haddii se ay jirto si qaawan wax loo ma faafiyo ee waxaa jirta si dahsoon, qunyar ah oo nafsi ah. Laamaha Af Soomaaliga ee BBC iyo VOA dawladahoodu wax ay ku bixiyaan lacag badan in ay inna la hadlaan, dan muuqato oo ay ku gashadaanna ma dareentid. Laakiin ta u gu yari waa in waxa ay inoo sheegaan dhankooda innaga tusaan ee ayna dhex ka ahayn. Waxaa kale oo ku filan kolka ay boqol wax oo is ka caadi ah inoo sheegaan in ay arrin yar oo doqoni ma garatay ah inoo dhex raaciyaan, sidaana waxaasi nafteenna ku galaan innaga oo aan dhaadin.
Intaa wax ka badan ka ma sheegi karo labadaa iskuul.
FG! Hawlaha kaniisadaha shardi ma aha in dawlado ka dambeeyaan.