Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee soomaaliya cabdishakuur kursiga Xildhibaan-nimada la dhigay magaalada Beeshiisu ka soo jeedo Dhuusamareeb Ma Ku Guulaysan Doonaa?

0
352
Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee soomaaliya cabdishakuur kursiga Xildhibaan-nimada la dhigay magaalada Beeshiisu ka soo jeedo Dhuusamareeb Ma Ku Guulaysan Doonaa?

Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee soomaaliya cabdishakuur kursiga  Xildhibaan-nimada la dhigay magaalada Beeshiisu ka soo jeedo Dhuusamareeb Ma Ku Guulaysan Doonaa?

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Hogaamiya xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir ee soomaaliya Cabdiraxmaan  Cabdishakuur, ayaa oo shan sano ku kharash gareeyey mucaaradnimada Farmaajo boqolaalkun iyo dhiig uu u shubay siddii farmaajo loo dhaafin lahaa aqalka madaxtooyada vilij ee magaalada Muqdisho, ayaa hadda u tartamaya kursiga Hop138 ee golaha shacabka soomaaliya.

Masuuliyiinta heer federal ee maamulka magaalada Dhuusamareeb ee soomaaliya, wasiirro ka tirsan Galmudug iyo dadweyne badan ayaa Cabdiraxmaan ku soo dhaweeyey deegaanka kursigiisa doorashadiisu taalo ee magaalada dhuusamareeb

Qoraal uu boggiisa Facebook-ga uu ku leeyahay baraha bulshada ku baahiyey ku daabacay in Dhuusamreeb uu u tegay inuu tartamo mid ka mid ah kuraasta golaha shacabka, isagoo rajeeyey in doorashada kursigaas ay noqoto mid hufan.

Dad badan waxay is weydiinayaan Cabdiraxmaan kursi maka soo heli doonaa Dhuusamareeb? Hadii Cabdiraxmaan uu soo waayo kursiga beeshiisa ee golaha shacabka, waxay caqabad weyn ku noqon doontaa damaciisa Villa Somalia iyo halgankii waqtiga dheeraa ee siyaasadda.

Inkastoo waxa hadda dalka ka socda aan doorasho lagu qeexi karin, hadana inaad kasoo dhex-baxdo mashruucaan doorashada shabaha ama aad ku dhacdo, waxay labadaas dadweynuhu u qaadan karaan qiimeyn toos ah.

Markii laga hadlayo xaalka doorashada ee sanadkaan, afar dhinac ayaa laga eegayaa kursigaan, waa sida uu kuu garab taagan yahay maamulka gacanta ku haya kursiga, qabiilka kurisga leh, guddiga doorashada maamulaya iyo xaalka tartamayaasha.

Markii hore dhaqaalaha ayaa macne weyn lahaa, laakiin hadda dad badan oo dhaqaale heystay ayaa sanadkaan kuraastii loo soo diiday. Hadii aan kala qaadno dhinacyadaas oo aan waafajino Cabdiraxmaan Cabdishakuur.