Heshiis Qarsoodiya Oo Dhex-marey Dawladdaha Soomaaliya Iyo Masar

0
46

Somaliland(Baraarugtv.com)-Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhaqangelinta heshiiska difaaca ee Masar, kaasoo soo gabagabeeyay heshiis qarsoodi ah tan iyo markii la saxiixay Janaayo 2024.

Faahfaahinta iskaashigan ciidan ayaan weli la shaacin. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa heshiiska cagaarsheeyey Jimcihii, 19 Luulyo, 2024.

Horaantii sanadkan, waxaa cirka isku sii shareeray hadal heynta ku saabsan heshiis milateri oo Masar iyo Soomaaliya dhexmari kara ka dib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqday Qaahira. Tani waxay daba socotay heshiiskii Is-afgaradka ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.

Intii ay booqashada ku jirtay, Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi waxa uu ballan-qaaday in Qaahira ay taageero hagar la’aan ah ka geysan doonto difaacidda madax-bannaanida Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya saxiixa heshiis ciidan oo rasmi ah ilaa laga horgeynayo Golaha Wasiirada ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre todobaadkii hore.

In kasta oo golaha wasiirrada la ansixiyay, haddana labada waddan weli si cad uma soo bandhigin waxyaabaha gaarka ah ee iskaashiga milatari ee ku xusan heshiiska. AS

Xigasho SNTV