Ha’yadda sirdoonka Fahad Yaasiin Lahaa Cirkaas Ayaan Mariyey Ma Waxay Aheyd Ha’yad Nabad-sugida Nidaam Sharci-ba ka Jirin

0
220

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo looga hadlay hirgalinta qorsheyaasha wax qabadka hay’adaha dowladda ee sanadka 2023.Isla markaana madaxweynihii hore Farmaajo ayaa hore ugu fashilmay innuu dib-u-dhis ku sameeyo sharciyadda ha’yadda sirdoonka Soomaaliya oo xilligii dawladdii kaliye taliskii Maxamed Siyaad Barre u dhisnayd qaab lagu cabudhin jiray masaakiinta shacabka rayidka ahayd ee soomaaliya, taasoo u adeegi jirtay sida dawladdii ku dhisnayd xukunka Militeriga Siyaad Barre, sidda uu isagu rabay oo kaliya ee aan jirin sharci gaar ah oo tilmaamayey qaab dhismeedka ha’yadda sirdoonka dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyay Golaha Wasiirada diyaarinta qorshe sanadeedka waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, xoreynta dalka iyo dib u dhiska ciidamada Qaranka ayaa markale adkeeyay in sanadka 2023 uu yahay sanadka dib u xoreynta dalka iyo dhameystirka dhismaha hay’adaha dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay ahmiyadda qorsheyaasha sanadkan loo madlan yahay hirgalintooda ayaa faray Golaha Wasiirada in si masuuliyad wadareed ah ay waajibaadkooda u gutaan, iyaga oo mudnaan gaar ah siinaya isla xisaabtanka si loo xaqiijiyo himilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka dalbaday Golaha Wasiirada in si deg deg ah loo gaarsiiyo adeegyada dowladda deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-shabaab, iyada oo la hubinayo tayada Mashaariicaha dalka laga fulinayo iney yihiin kuwo wax tar waara u leh bulshada Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale kulanka Todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya Maanta lagu meel mariyay Hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha oo ay soo gudbisay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka oo noqonaya markii u horreysay ee Nabadsugida Soomaaliya yeelato sharci rasmi ah tan iyo markii la aas aasay 8-dii Janaayo ee sanadkii 1970,kii, haddii Baarlamaanka uu ansixiyo, iyadoo si rasmi uga mid noqon doonto afarta qeyb ee ciidamada qalabka sida.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo looga hadlay hirgalinta qorsheyaasha wax qabadka hay’adaha dowladda ee sanadka 2023.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyay Golaha Wasiirada diyaarinta qorshe sanadeedka waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, xoreynta dalka iyo dib u dhiska ciidamada Qaranka ayaa markale adkeeyay in sanadka 2023 uu yahay sanadka dib u xoreynta dalka iyo dhameystirka dhismaha hay’adaha dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay ahmiyadda qorsheyaasha sanadkan loo madlan yahay hirgalintooda ayaa faray Golaha Wasiirada in si masuuliyad wadareed ah ay waajibaadkooda u gutaan, iyaga oo mudnaan gaar ah siinaya isla xisaabtanka si loo xaqiijiyo himilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka dalbaday Golaha Wasiirada in si deg deg ah loo gaarsiiyo adeegyada dowladda deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-shabaab, iyada oo la hubinayo tayada Mashaariicaha dalka laga fulinayo iney yihiin kuwo wax tar waara u leh bulshada Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale kulanka Todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya Maanta lagu meel mariyay Hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha oo ay soo gudbisay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka oo noqonaya markii u horreysay ee Nabadsugida Soomaaliya yeelato sharci rasmi ah tan iyo markii la aas aasay 8-dii Janaayo ee sanadkii 1970,kii, haddii Baarlamaanka uu ansixiyo, iyadoo si rasmi uga mid noqon doonto afarta qeyb ee ciidamada qalabka sida
Iimeelada E-mail: Xafiiska baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com