Hargeysa(Baraarugtv.com)-Gudida Nabadda ee madaxwaynuhu magacaabay ma waxa ay qaadatay doorkii Guurtida?Qodobka 57aad ee Dastuurku waxa uu Golaha Guurtida siiyay in Goluhu “gaar u leeyahay dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.” Taasi waa arin la xidhiidha xeer samaynta.
Doorka Guurtidu ku leedahay nabadgelyada waxa tilmaamay qodobka 61aad faqradiisa 4aad ee dastuurka oo sheegay in xilka Golaha Guurtida ay ka mid tahay: “Ka-gacan-siinta Xukuumadda arrimaha la xidhiidha Diinta, nabadgelyada, difaaca, dhaqanka, dhaqaalaha iyo bulshada; iyagoo kaashanaya madax¬dhaqmeedka beelaha.” Taas oo macneheedu yahay in doorka nabadgelayada iyo nabaddu uu yahay door xukuumadeed, halka Guurtiduna doorkeedu yahay ka gacansiin. Cidda ka tirsan xukuumadda ee qabanaysa arimaha nabadda waxa ka go’aan gaadhkeeda iska leh madaxawynaha. Sidaasdarteed, sharci ahaan magacaabista Gudida Nabaddu kuma aha waxyeello awoodaha dastuuriga ah ee Guurtida.waxa qoray Garyaqaan Guleed Dafac