

Hargeysa,(Baraarugtv com)-“Waxa aan dhambaal hambalyo. bogaadin ah u dirayaa dhammaan shacabkayga Jamhuuriyadda Somaliland ee ku nool dal iyo dibedba munaasibadda xuska 64 guurada ka soo wareegtay maalintii aynu xornimada ka qaadannay maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska ee 26ka-June 1960-kii. Waxa faan, tookh & taariikh weynba ah inoo ah in aynu nahay curadkii Qoomiyadda Soomaalida oo dhan u horseeday Madax-bannaanida & Gobonnimada ay ku kala naaloonayaan maanta iyagga oo kala dawlado ah. Walaalayaal, reer Somaliland-ow ku debaal-dega farxad, nabad iyo hiigsi aan gudhayn, ballanteennuna waa midnimo, walaalnimo, iyo gobannimo waarta.”ayuu yidhi murashaxa xisbifa Waddani Cabdiraxmaan cirro.