Faah-faahin Dheeraad Ah:-Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac &Maxaabiista Lagu Qabtay Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Gobolka Sanaag Ee Ceerigaabo

0
232

Ceerigaabo,(Baraarugtv.com)-Faah-faahin khasaaraha Ka dhashey Dagaalkii Maanta Ka dhacay Magaalada Ceerigaabo iyo Tuulada Masagan ee Gobolka Sanaag Oo sababey dhimasho,dhaawac iyo maxaabiista Lagu qabtay.
Taliye Naasir Mecaaad Oo Ka tirsan Ciidanka militeriga Qaranka Somaliland,ayaa u Sheegay warbaahinta Gobolka Sanaag in Khasaaraha Dagaalka Maanta dhankayaga :Waxa Ku geeriyootey Ardayad uu Hoobiye gurigooda ugu tagay Oo ku habsadey.halka ay ku dhinteen Laba Askari Oo Ka tirsan ciidanka Somaliland,iyadoo dhaawacuna Yahay 4 afar Askari.
Geesta kale,warka Laga helayo kooxaha Khaatumo iyo SSC ee Ka dagaalamaaya Deegaanka bariga Sanaag ayaa la Sheegay in toban Ka mid ah SSC Lagu dilay,halka saddex iyo labaatan Lagu dhaawacey(dhaawac 23).
Sidoo kale,waxa la Sheegay in tiradda Laga qabtay maxaabiista SSC iyo Khaatumo Laga qabtay maxaabiis 17 todoba iyo toban Oo gacanta ku dhigeen ciidanka RRU-da Somaliland.Iyadoo Kow iyo toban maxbuus (Maxbuus 11 SSC), Ka tirsan ay qabteen Ciidamada militeriga Somaliland Oo gacanta ku Soo dhigay. Waxaana Isku gaynta Maxaabiista Laga hayo Maleeshiyadda SSC Ay noqonaysaa 28 Maxbuus.
Dhanka kale,gaadiidka Laga gubay Hal gaadhi Oo tikniko ah.halka Laga Qabsadey Hal gaadhi tiniko.
Sidoo kale, Dagaalka Ka dhacay Maanta Tuulada Masagan La isla Gaadhay ku Geeriyooday Kornayl Guray Cismaan oo Dagaal galiye Maleeshiyadda SSC Ahaa. Kornayl Guray Cismaan wuxuu hore uga Goostay Ciidamada Qaranka oo uu ka mid ahaan jiray, Waxaanu Maanta ku baxay Gacanta Ciidanka Qaranka.
Taliyaasha kala ah Maxamed Waranle oo ahaa Ciidamadii Siyaad Barre [Afwayne], iyo Taliye Jamaal fagaag oo u Dagaalamayey Maleeshiyadda SSC Maanta ku Geeriyooday Dagaalkii Maanta Ceerigaabo ka dhacay.
Goobaha Maanta Lagu dagaalamey xaafad kutaal dhanka bariga magaalada Ceerigaabo.Isla markaana dagaalka ayaa Maanta Ka dhacay Tuulada Masagan oo Magaalada Ceerigaabo 40km dhanka Koonfur bari ka xigta ayaa iyana ahayd Meelihii lagu Dagaalamay.
Xigasho Taliye Naasir Mecaaad Oo Ka mida Ciidamada Qaranka Somaliland.