Dildilaaca Jabhada Ka Dhex-kacdey Magaalada Hargeys

0
117

Hargeysa,(Warbaahinta Baraarugnews)-Dhalinyaro Beesha Ciidagale ah,ayaa sheegay in ay ka tirsanaan jireen Jabhad la dagaalantey madaxweynihii hore ee Muuse Biixi Cabdi ee gashey Buurta Gacan-libaax.Isla markaana waxay cadeeyeen in jabhadii buurta Gacan-libaax uu ka danbeeyay aas-aaskeeda Madaxweynaha Somaliland Cabaraxmaan Cirro.
“Aniga magaceygu waa Abwaan Cartan.waxaan ka mid ahaa jabhadii hore u gashey buurta Gacan-libaax. waxa dhacey eex iyo sedbursi ayaa dhacey. waxa loo sameeyay sedbursi la siiyey beesha Madaxweynaha ee Muuse Cabdalle (Habaryoonis).waxa ka dhex-dhacey jabhadii Beesha Garxajis Cabdale eex qabiilaysan.raggii buurta ku wada jiray kula jiray beesha Garxajis.anaga garxajis-nimadii naloo sheegay been ayey aheyd.”Ayuu yidhi Abwaan Cartan oo ahaa sbwaankii jabhada Buurta Gacanlibaax.

“haddii raggiu buurta wada galey ee Garxajis ay wax wada-qabilahaayeen maanta maanu hadalneyn,laakiin dhalinyaradii beesha Habaryoonis gaar ahaan Muuse Cabdale xilal iyo saraakiil sarsare ayuu ka wada-dhigay.raggii iyo dhalinyaradii beeshavCiidagale waa nalaga tegay oo immika waxaanu nahey oo kalya beesha ciidagale ayaanu ka soo jeednaa. intan waanu ka badanahey,wayna nala-qabaan cabashada,waaney baqanayaan qaar ka mid ah .Anigu waxan isku-tobabarka ahey iyo isku-kuliyad aheyn rag beesha Muuse Cabdale ah.maanta Cirro iyagii wuxuu geeyay oo la shaqeeyaan madaxtootada.ana was layga tagey oo waa anigan Dibadda jooga. Ragga isku-beesya yihiin Madaxweynaha ee jabhada nala ahaa,immikana saraakiusha ah waxa ka kid ah jiir,Axmed Cali joog oo ahaa raggii buurta aanu wada-galney,”ayuu yidhi sharmaake shiriif Aadan.
” anagu markii hore waxaanu ka tuuraney nidaamkii gabaareyda ahaa Ee Muuse Biixi.anigoo ah dhalinyaradii shacabka ka dhicisay kalitaliskii.dhalinyaradii beesha Habaryoonis ee isku-toobabarka iyo isku-kooraska aheyn Madaxweynuhu wuu xaraystey.waxa ka mid ah Iid shire, Cali khayre, Jiir,cabdi gaamush iyo Cabdi Cali Joog ayaa ka mida ahaa.maantana waa saraakiil iskaafka madaxweynaha Cabdiraxmaan Cirro ayaa laga dhigay waa raggii aanu buurta gacanlibaax wada-galnay,waliba waxaanu aheyn ragguu ugu horeeyay ee baxey. anagu haddii aanu nahey ciidagale waxaanu doonaynaa wixii ragaas la siiyey.waxaanu dirayska u Soo xidhaney in ragaas.aanu iska dhicino. waxaanu leenahey madaxweynaha dib u eeg ragga. waxaanu ridnay nidaamkii kalistaliska ahaa ee siyaad Barre ka darnaa.dhalinyaraddii beesha Habaryoonis waxa la galiyey xukuumaddii iyo aqalka madaxtooyada Hargeysa ayaa la geeyay,kuwii beesha Ciidagale ee jabhadda buurta gacan-libaax ahaa cidlo ayaa lagaga tegay.wax ayaanu iska celinaynaa oo dirayska u xidhaney in aanu iska-dhicino ragga beesha Muuse Cabdale” Sidaa waxa yidhi rag ka soo jeeda Beesha Ciidagale ah ok hore UGA goostey ciidamada,ka dibna ku biiray jabhadii buurta gacanlibaax G36 ee beesha Garxajis oo xunka ka tuuray madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
#Warbaahinta Baraarugnews