Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in doorashadii Wakiillada iyo Deegaannadu Somaliland u jahaysay jid isbedel oo wanaagsan, islamarkaana mucaaradku muujiyay awooddiisa.
Waxa uu tilmaamay in dadaalka lagu hantay maayarrada dalka iyo shirguddoonka Golaha Wakiilladu astaan u yahay in mucaaradku gacanta ku haysto taageerada shacabka, islamarkaana isbedel isla xisaabtan iyo hoggaamineed gacanta u galay labada xisbi mucaarad.