Ceerigaabo:-Maxaa Diidaaya, Haddii Calanka Somaliland Ka Taagan Yahay In Kan Khaatumo-na Laga Taago?”

0
84

Ceerigaabo Colaad raagtaa ka suurtoobi mayso!
Hargeysa,(Baraarugtv.com)-“Magaalada Ceerigaabo Juqraafi ahaan, Cimilo ahaan iyo nolol ahaan weligeed hal todobaad oo xidhiidh ah ma ay marti gelin colaad iyo dagaal sidoo kale degmo ahaan gogol uma ay dhigin bil keliya colaad xidhiidh ah.

Sanadkii 1991 kolkii ay duntay dawladdii dhexe reer Ceerigaabo inta ay heshiiyeen bay waxbarasho iyo Nolol ku martiqaadaan Soomaali oo idil, waxayna ahayd magaalada keliya ee furdadeeda xeebaha lagu baxsaday.

Waxaan daawaday dhalinyaro reer Buuhoodle ah oo Ceerigaabo u dagaal doontay dibna usoo laabtay, wiilashaa waxaan ka qoray “Dadka reer Ceerigaabo ma meeshan barafka loogu dhimanayo ayey isku dilayaan” waa runtood Ceerigaabo wiilka Buuhoodle ka taga iyo kan Laascaanood ka taga iyo kan meel kale uga dagaal doonta suurtagal uma aha.

Ceerigaabo wiilka ku fikira qayb baan leeyahay oo anigu xukumayaa run ahaan Illaahay iyo umaddiisa midna kama xishoon Ceerigaabona maaha sida Laascaanood meel hal qoys dego ee waa magaalo umaddeed.

Su’aasha qurbajoogta reer Khaatumo iswaydiinayaan ee ah “Maxaa diidaya haddii Calanka Somaliland ka taagan yahay in kan Khaatumo-na Laga taago?” Jawaabta oo kooban waxa diidaya reer Ceerigaabo iyagoo wadajira ayey siyaasada iyo nolosha Ceerigaabo ku heshiiyeen waana ku nabadgaleen kuna badhaadheen sidaasi darteed Khaatumo oo jirta mudo hal sano ahi Ceerigaabo maxay u haysaa oo aan ahayn wiil qori sida oo hooyadii khasab kaga qixiyey gurigeedi?

Reer Ceerigaabo nabad waxaan ahayn oo u dan ah cidii haysaa miiska ha soo saarto!
Waxa qoray Wariye Abdirisaaq Terra
Email:-caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com