Caqabadihii soo wajahay Doorashada Somaliland

0
33

Hargeysa (Baraarugtv.com)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta, hudheelka Safari ee magaalada Boorama, ku qabtay kulan dib-u-eegis iyo qiimayn ah oo ku saabsan doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka ee qabsoomay 13-kii November 2024.


Kulanka ayaa diiradda lagu saaray falanqaynta habsami-u-socodkii doorashooyinka, caqabadihii la kulmay, casharradii laga bartay, iyo talooyin ku saabsan horumarinta hannaanka doorashooyinka mustaqbalka ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada JSL.

Qodobada muhiimka ah ee kulanka laga hadlay waxaa ka mid ahaa:

1. Habsami-u-socodka doorashada: Qiimayn ku saabsan sida habraacyadii iyo qorsheyaashii doorashada loo hirgeliyay.
2. Caqabadihii soo wajahay: Falanqayn lagu sameeyey caqabadihii dhacay iyo talooyin ku saabsan sidii looga hortagi lahaa mustaqbalka.
3. Casharradii laga bartay: Aragtiyo iyo waayo-aragnimo laga helay doorashooyinkii hore, oo lagu hagi karo hawlaha doorashooyinka soo socda.
4. Horumarinta mustaqbalka: Talooyin ku saabsan xoojinta qorsheyaasha iyo hannaanka doorashooyinka si loo helo doorashooyin hufan oo casri ah.

Guddoomiyaha KDQ Md. Muuse Xasan Yuusuf ayaa carabbaabay muhiimadda qiimayntan, isagoo sheegay in talooyinka kasoo baxay kulanka ay gacan ka geysan doonaan horumarinta dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland. Kulanka ayaa sidoo kale muujiyey sida Somaliland uga go’an tahay in ay sii waddo hannaanka dib-u-eegista iyo qiimaynta, taas oo ay ku kasbanayso kalsoonida bulshada iyo tusaaleyn wanaagsan oo ku aaddan dimuqraadiyadda gobolka Geeska Afrika.