Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Fanaanada caanka ah ee Ikraan Caraale oo Bandhig faneed balaadhan doonaysay in ay ku muujiso qaranimada Somaliland ku qabato caawa garoonka kubadda cagta Studium ee magaalada Hargeysa, ayaa qaar ka mid ah askartii dhibooga aheyd ee dhawaan la soo tobabar ayaa gidaarkii garoonka ka soo dhacay.ka dibna waxay qulub iyo qalalaase dagaal ka dhex-bilaabeen bandhigii Fannaanada Ikraan Caraale.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in askartii militeriga aheyd ay gacan u qaadeen dadkii ka soo qaubgaley bandhiga,balse ciidamo boolis ah oo ku sugnaa goobta uu ka socday bandhiga ayaa gacan sareen dhalinyarada militeriga ah,kana tirsan dhiboogii dhawaan loo soo xidhay tobabbarka.
Sidoo kale,bandhigii fannaanada Ikraan Caraale ayaa caawa ku soo dhamaadey ceeb iyo fashil ku dhacay xafladii ay ikraan caraale ugu dabaal degay 18 may ee garoonka kubada cagta ee magaalada Hargeysa.isla markaana waxaana kala qayb-galay fanaaniinta caasimadda iyo kumanaan shacabka reer Hargeysa ah oo ku labisan calanka,taasoo ay hadheysay bandhigii Ikraan caraale dagaal iyo gacanta oo la isla tegay.