Assad saaxibkeen ma aha , dagaalkunna ma aha…”

0
18

Hargeysa (Baraarugtv com)-Shabakadda Bloomberg, ayaa soo bandhigtay iskudayga u dambeeyay ee uu sameeyay Bashaar Al-assad si uu u helo awood ka hortagi karta mucaaradka , wuxuu Imaaraadka Carabta ka codsaday inay dhisaan xiriir uu la yeelanayo madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump , wuxuuna u gudbiyay farriin uu kaga codsanayo in laga caawiyo joojinta mucaaradka ka hor inta aysan gelin Dimishiq — beddelkeeda wuxuu Assad ballanqaaday inuu jarayo dhammaan xiriirka Iran iyo ururka Xisbullah, isagoo iskaashi la yeelanaya reer galbeedka.

Intaa kuma joogsan, wuxuu Assad u diray dalka Hungary wadaad masiixi ah si uu uga dhaadhiciyo Ra’iisul wasaaraha Hungray, Viktor Orbán oo ka mid ah saaxiibbada ugu dhow ee Trump inuu la hadlay Trump oo uu u sheego haddii mucaaradku qabsado Suuriya in nolosha Masiixiyiinta laga tirada badan yahay ay khatar geli doonto

Laakin maxay noqotay jawaabta Trump ?

Trump wuxuu maanta baahiyay qoraalkii u horreyay ee arrinta Suuriya uga hadlay , wuxuu ammaanay howlgalka mucaaradka oo uu sheegay inuu yahay mid cajiib ah oo si wanaagsan loo agaasimay, wuxuu ku maadeystay Ruushka oo uu ku tilmaamay mid aan awood u lahayn inuu celiyo mucaaradka, wuxuuna qoraalka ku soo gabagabeeya ; “ Assad saaxibkeen ma aha , dagaalkunna ma aha dagaalkeenna.”