Akhri Xogta:-“Waa In Ay Badhaa Dawladda Soomaaliya Cidda Ka Dambaysa Diyaaraddaha Dagaalka Ee Ka Duula Madaarka Boosaaso

0
23

Muqdisho,(Baraarugtv.com)-Masuul ka tirsanaa dawladda faderaalka ah ee soomaaliya,ayaa sheegay sir ah in maamulka Puntland qayb ka yahey dagaalka lagu burburinayo dalka Suudan.

Wasiirkii Hore ee Arrimmaha Dibedda ee dawladda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse Cali oo maqaal qoraal ah la wadaagey Warbaahinta Soomaaliya, ayaa ku dooday in sannadkan 2025-ka diyaarado kuwa dagaalka ah oo dalka Isu-taga Imaaradka Carabta si joogto ah uga duulayeen Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE),kuwaasoo fadhiisanayey madaarka magaalada Boosaaso.

“Diyaarado isu-taga Imaaradka ayaa si joogto ah UGA duula Imaaradka Carabta.iyagoo u sii socda Liibiya iyo Suudaan. Duulimaadyadani ayaa lagu tilmaamay inaysan ahayn safarro ganacsi caadi ah, waxay u ekaayeen waddo qorshaysan oo hub loogu rarayo kooxda RSF ee Suudaan oo lagu eedeeyey inay dhowaan xasuuq ka geysatay Alfasher iyo qeybi ka mid Daafuur.

Qaar ka mid ah diyaaradahaas ayaa maray hawada iyo gegi diyaaradeed ku taalla Soomaaliya.”ayuu yidhi Cabdi Casiis.

Wuxuu intaa sii raaciyey Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Soomaaliya oo uu yidhi.“Haddii dawladda Soomaaliya ay siisay oggolaansho duulimaad-yadan, taasi waxay muujin kartaa xilkas-nimo darro ama ka qayb-qaadasho toos ah oo lagu caawinayo ciidan dembiyo ka geysanaaya  Suudaan.”

Sidoo kale,wuxuu ka hadlay dhibaatada ay ku keeni-karto dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.”Dawladda Soomaaliya waa inay baadhitaan ku samayso arrinkan diyaaradaha dagaal ee imanaaya Boosaaso,kana kacaaya. si loo ogaado cidda oggolaatay duullimaadyadaas, lana hubiyo dhammaan duullimaadyada xamuulka tan iyo bartamihii 2025. Haddii ay caddaato in Soomaaliya ay kaalin ku leedahay rarista hubka.waxa soo foodsaari doona cunaqabatayn caalami ah. ciqaab dhaqaale iyo inay wayso kalsoonida caalamka”.Ayuu yidhi, Cabdisiciid.

Email xidhiidh:-baraarugnews@gmail.com