Qaabkee Loo Weeraray Shirkaddaha Iyo Bangiyada Gudaha Dalka Maraukanka?

0
31

#Qaabkee Loo Weeraray Shirkaddaha Iyo Bangiyada Gudaha Dalka Maraukanka?

Baraarugtv.com-Dalka Maraykanka waxa laga diiwaangeliyay weerarro dhinaca Internet-ka, iyadoo dhacdadaan ay hoos u dhigtay shaqooyinka Bangiyada Online-ka ah, Shirkadaha Diyaaradaha iyo kuwo kale.waxa joogsaday qaar kamid ah adeegyada muhiimka u ah Bulshada rayidka ah.

Warbaahinta Gudaha ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay taagnaayeen caqabadaha istaageen shaqayntoodu, iyadoo aanay jirin masuul Dowladeed oo Dadka la wadaagay howl-gallada ka dhanka ah Budhcadda Internet-ka ee weerarradaas gaysatay.

Maraykanka oo inta badan dusha ka saaray masuuliyadda weerarrada Internet-ka inay ka dambeeyaan Kooxo u kala dhashay Waqooyiga Kuuriya, Ruushka, Iiraan iyo Shiinaha,ayaa ku goodiyey innuu qaadayo tallaabo jawaab u ah ficilkaas Ku Dhacey nidaabka Bangiyadooda iyo shirkaddaha ganacsiga Dalka maraykanka.

Sidoo kale,Wasaaradda Amniga Gudaha Maraykanka,ayaa sheegtay in aysan weli helin xog muujinaysa in tallaabooyinka ay muddada kooban u istaageen shirkadaha ay ahaayeen dambiyo lagu fuliyay dhinaca Internet-ka, balse baadhis dheeraad ah ay waddaan,waxaanuu yidhi.”Waxa is taagay qaar ka mid ah Duullimaadyada Diyaaradaha, muuqaallo laga soo duubay Garoomada qaarkood. waxa ka dhex muuqday Dad safar ah oo saacado badan xayiran, qaar kale waxa ay awoodi waayeen in ay gudaha u galaan goobaha hubinta Tikidhada.”Siddaa waxa lagu sheegay war Ka Soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha Dawladda Maraykanka.

RedSea Intelligence TV