Kulankii Dhex-maray Turkiga Iyo Farmaajo Ma Qaabkii Xilka looga Tuuri-lahaa Madaxwayne Xassan Sheekh Baa?

0
34

Baraarugtv.com-Safiirka cusub ee Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Ferhat Alkan ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) kaas oo ujeedkiisu ahaa is-barasho, sida ay shaacisay safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.isla markaana kulanka oo ka dhacay guriga Farmaajo ayaa lagu soo qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo halka uu marayo xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku aadan xaaladda Ka taagan koonfurta Soomaaliya iyo khilaafka doorashada kursiga madaxweyne-nimada dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Danjire Ferhat Alkan ayaa kulanka uu la yeeshay madaxwaynihii hore ee Farmaajo kaga wada-hadleen siddii wax looga qabano lahaa khilaafka Ka dhex-taagan Madaxwayne Xassan Sheekh iyo mucaaridka soomaaliya.

Dhinaca kale,Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo. Kulanka ayaa fursad u noqday in lagaga wada hadlo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, taariikhda iyo xaaladda uu galiyey Xassan Sheekh soomaaliya iyo qaabka Xilka looga qaadi lahaa Madaxwayne Xassan Sheekh.

Hase yeeshee,taageerida dawladda Turkiga Ee Safaaradda Muqdisho Ayaa mucaaridku Ku eeddeeyeen mid la safan Madaxwayne Xassan Sheekh,iyadoo mucaaridku ujeediyeen dawladda Turkiga in ay qayb Ka tahey khilaafka siyaasadeed Ee gudaha soomaaliya.

baraashug00@gmail.com Caarshe7@hotmail.com