Baraarugtv.com-Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa ayaa gacanta ku dhigay saraakiil sare oo ka tirsan TPLF
Wararka ka imanaya gobolka Tigray ayaa sheegaya in ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya oo kaashanaya ciidamada loo yaqaan Tigray Peace Force ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Shire iyo deegaannada ku xeeran.
Intii uu hawlgalku socday ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay Korneel Haaylesillaase Assefa (Wedi Fetene), oo ahaa taliyihii Ciidanka 15-aad ee TPLF, iyo Korneel Kahsay Teklu (Wedi Merga), oo ahaa madaxa saadka ciidanka.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in in ka badan 150 askari la qabtay, kuwaas oo ka tirsanaa ciidamada TPLF.
📌 See more
🔁 Share | Like | Follow OGAAL MEDIA



