Maxaa Sababey Mucaarid Iyo Madaxda Reer Somaliland La Jaanqaadi Waayeen Bulshada faham Ahaan Kortay?

0
5

Baraarugtv.com-Somalliland muddooyinkii u dambeeyey waxa soo baxayey farqi muuqda oo u dhexeeya madaxda iyo shacabka ay la hadlayaan. Mucaarid iyo muxaafid labada waxa soo muuqanaysa in dadweynuhu ka tallaabay dheereeyeen siyaasiyiinta Somaliland ee xilka haysa iyo kuwa u hanqalka taagaya in ay xilka qabtaan labada.Dadka wacyi ahaan, aqoon ahaan iyo ogaal ahaanba waxa ay masaafo ka fogaadeeen shakhsiga siyaasiga ah, warkiisa si fudud uma qaataan mararka qaarna waabay la yaabahan hadallada iyo qorsheyaasha Siyaasiyiinta ka soo yeedhay. Mararka qaar waxba dhacda in maad loo arko hadal iyo ficil ka soo fulaya qof xil haya oo masuuliyad sare loo igmaday. Waxa kale oo iyaduna la arkaa qof mucaarid ah oo dhaliilaha uu soo jeediyo loo arko wax lagu qoslo iyada oo laga tix raacayo ficilladiisi hore.
Aqoonyahan Cabdinaasir Axmed Aadan waxa uu sababta ku sheegay.

“Waxa sabab u ah in madaxda reer Somaliland ay la jaanqaadi waayeen bulshada faham ahaan kortay, iyo in ay door muuqda ama qayb ka noqon waayeen doodaha ka jira dalka, taas oo banaysay kaalintoodi. Waxa kale oo la oran karaa madax badan fahamkoodu lama korin sida wacyiga guud ee bulshadu u koray”.

Saddex arrimood ayaa sabab u ah in ay kala koraan shacabka Somaliland iyo siyaasiyiintu dadkuna siyaasiga u arkaan ruux runtu ku yar tahay, musuqu ku badan yahay ama aan lahayn kartidii looga baahnaa xilka uu hayo.

1: Siyaasiyiinta oo sheega wax aanay fulin ama dib u fala wixiii ay shalay diidi jireen.

Ka hor 2010-kii dadka reer Somaliland si aad u sarraysa ayay u aamisanaayeen hadalka iyo ficillada siyaasiga. Ballan qaadkiisa waxa loo arkayey wacad uu fulinayo, balse siyaasiyiintiii kala dambaysay ee xilligaasi way is beddeleen markii xilka loo doortay. Tusaale ahaan Kulmiye 2009 waxa uu ololaha ku galay in uu tahriibka wax ka qabanayo waxana Hal hays u ahayd ‘’Udub way tegaysaaye ha tahriibiin walaal’’ hayeeshe markii uu kursiga gaadhey tahriibkii waxba kama qaban waxana dhacay tahriib ka badan kii hore.

Xisbiga Kulmiye sidoo kale waxa uu 2017-kii ku galay in uu dalka ka dhisayo mustaqbal barwaaqo ah, waxana uu ololaha ku galay ‘’ Berri maanta ka fiican’’ taasina waxa ay noqotay ballan mar kale lagu hungoobay waxana dalku uu galay xaalad dagaal sokeeye, jabhado iyo dadkii oo is nacay.

Xisbiga Waddani, waxa uu ololihiisi 2024-kii uu ku galay in rejo wacan uu sido dadka waxana Hal ku dhig u ahaa ‘’ Rejada shacabka’’ balse laba sano ka dib dadku ma hayaan ballan qaadyadii ay codka ku bixiyeen, Sicir bararku wuu sii kordhay, shaqo la’aantu xadhkahay goosatay , musuq maasuquna waa sii balaadhay sida ku cad warbixinihii ugu dambeeyey ee hanti dhawrka Somaliland soo saaray.

Ballan qaadyadaa fuli waayey, waxa ay dadka ku rideen quus iyo in ay siyaasiga u arkaan ruux marka uu dan lee yahay beer laxawsada marka uu dantiisa gaadhona aan dib u soo jalleecin. Waxa la diwaan geliyey kummaanan ballan qaad oo aan fulin ama aan waxbaba laga qaban iyada oo aan dadka loo sheegin sababta ay u fuli waayeen.

Ballan qaadyada fuli waayey waxa sii raacda in siyaasiga sax u arko wax shalay la qaldanaa, khaladna u arko wixii shalay la saxsanaa. Haddii uu shalay mucaarid ahaa oo uu dhaliili jirey xadhiga siyaasiga ah, maanta marka uu muxaafid noqdo waxa uu isla xadhigii u arkaa sax. Siyaasaddii shacabku diideen ee cidda xilka uga horraysay ayuu siyaasigu ku sii dhaqmaa taas oo keentay in uu shacabku lumiyo kalsoonidii ay u hayeen.

2: Dadweynaha oo aqoon ahaan koray iyo siyaasiga oo weli aan fahmin hab fikirka bulshada.

Jiilka maanta falleeya, falanqeeeya ama ka dooda siyaasadda Somaliland waa jiilkii dhashay wixii ka dambeeyey 1990-lkii kuwaas oo ku hubaysan aqoon iyo ilbaxnimo ay ka heleen waxbarashadii iyo dunidii ay mareen. Haddii 1990-kii wixii ka horreeyey siyaasigu la hadli jirey bulsho aan aqoon tuuladiisa wax ka badan, maanta waxa siyaasigu wajahayaa 20 jir dunida oo dhan u war haya, warbaahinta ku xidhan, aqoontiisa dhisay oo kala saari kara maxaa run ah maxaase been ah.

Siyaasiyiintu badanka waxa ay dadka ugu sheekeeyaan qaab ah in ay dadka dareenkooda soo jiitaan oo ay u sheegaan wax looga aqoon badan yahay, taasina waxa ay keentay in dadku marar badan ka maadsadaan siyaasiga eraygiisana u arkaan in uu yahay sidii ruux riwaayad jilaya.

Waxa soo baxaysa in siyaasiga iyo bulshadu aqoon ahaan kala koreen oo tartankaas aanay dhaadin siyaasiyiin badan oo aan soo shaandhayn waxa ay bulshada la hor imanayaan ama waxa ay iibinayaan labada.

3: Siyaasiyiinta oo ka cabsada in ay bulshada toos u wajahaaan ama ku hafta marka si furan wax loo waydiiyo.

Badanka siyaasigu marka uu mucaaridka yahay waxa uu jecel yahay in uu warbaahinta la hadlo, dadka ka ag dhawaado oo uu isu muujiyo saaxiibka dadweynaha. Marka uu xilka isku hubsadona waxa uu u dhaqmo hab sidaa ka duwan. Waxa uu ka dhuuntaan bulshadii uu shalay dhex joogay waxa uu ka cararaya saxaafaddii uu shalay taagnaa jirey, waxana ku adkaata in ay is helaan dadweynihii uu shalay khudbadaha qiirada leh u jeedin jirey. Tanina waxa ay keentay in bulshadu siyaasi oo dhan u aragto in uu yahay ruux danaysta ah oo sallaan ka dhigta marka uu xilka doonayo.

Waxa taas sii raacda in siyaasiyiintu ku haftaan su’aalaha warbaahinta marka ay xilka qabtaan oo ay ku jawaabaha war celinno dadka kaga yaabiya ama soo saaray shakhsiyadooda dhabta ah, taas oo horseedka in dadweynuhu ku arkaan weji ka duwan kii uu shalay ahaa ama uu la hor joogay.

Siyaasiyiinta Somaliland si ay u haystaan kalsoonida bulshada waxa la gudboon, in aanay dadka u arag buundo xilka lagu gaadho balse ay u arkaan dadkii ay u adeegayeen, in aanay caqliga dadka caayin oo wixii shalay la qummaanaa aanay berri diiddan ama wixii shalay la qalloocnaa aanay la iman, in ay fahmaan in dadku aqoon ahaan koreen, ka horreeyaan dunidana ku xidhmeen oo maanta ilaa ka hawd guntii joogaa uu haysto aalad uu Caalamka kala socdo.

Faalladda, Gallaydh TV