Maxaa La Gudboon Xukuumadda Somaliland.,?

0
34

Baraarugtv.com-Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si rasmiga ugu guullaysatay hirgelinta nidaamka E-visaha, iyadoo intaasi sii raacisay in murankii ka dhashay laga heshiiyay inkasta oo aanay sheegin goobta Somaliland kula heshiisay.
Laba maalmood ka hor waxa kale oo Soomaliya la wareegtay nidaamka lagu maamulo tigidhada diyaaraha caalamiga ah

Soomaaliya waxa kale oo ay qorshaynaysaa hirgelinta nidaamka “Single Entry Point” kaas oo diyaaradaha caalamiga ah ku amraya in ay Muqdisho soo maraan marka hore.
Xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasiirka Duulista iyo Hawada waxa uu sheegay in ay soo wadaan qorsheyaal lagaga hortagayo caqabadaha Hawada.

Haddaba maxaa la gudboon xukuumadda Somaliland.

1: Waa in madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro dib u soo celiyaa haay’addii madaxa bannaaneed ee duulista iyo Hawada meeshana laga saaraa wasaaradda Duulista.

2: Waa in xukuumadda Somaliland dib u kicisaa Raadaalkii Ceerigaabo oo qayb ka ahaa cadaadiskii Somaliland saartay Soomaaliya xilligii xukuumaddii madaxweyne Biixi.

3: Waa in dib loo soo celiyaa shaqaalihii xirfadda sare lahaa ee ICAO tababartay oo la eryay xilligii maareeye Cabdi Maxamed Rodal.

4: Waa in Somaliland gacan waydiisataa waddamada ay saaxiibbada yihiin sida Israa’iil iyo Imaraadka Carabta kana dalbato qalab casriya.

5: Waa in Xukuumadda Somaliland si rasmiya u bilowdaa in ay amarro siiso diyaaradaha maraya hawada sare ee Somaliland si aakhirka beesha caalamku ugu qasbanaato in ay soo gasho hawsha marka culayska la dareemo.

6: Haay’adda Duulista iyo Hawada loo dhiibo dad aqoon iyo khibrad u leh arrimaha duullimaadyada iyo maamulka Hawada.

7: Waa in Somaliland dalbataa khabiirro caalamiya oo arrintan gacan ka siiya si ay ugu guullaysato dib u soo celinta Hawadeeda ama ICAO dib loogu celiyo.

Adiguna mu’waadin maxaad ku daraysaa talo ahaan ?

Galaydh