Somaliland÷Geedigii Mudadda Dheer Soo Rarnay Waa In Aynu Maanta furno!!Gudd. Cabdoo Axmed Aayir

0
40
Maanta Dagaal Adag Ayuu Ku Jiraa madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.Taasoo...."Gudd. Cabdoo Axmed Aayir
Maanta Dagaal Adag Ayuu Ku Jiraa madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.Taasoo...."Gudd. Cabdoo Axmed Aayir

#Somaliland÷Geedigii Mudadda Dheer Soo Rarnay Waa In Aynu Maanta furno!!Gudd. Cabdoo Axmed Aayir

Maanta Dagaal Adag Ayuu Ku Jiraa madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.Taasoo...."Gudd. Cabdoo Axmed Aayir
Maanta Dagaal Adag Ayuu Ku Jiraa madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.Taasoo….”Gudd. Cabdoo Axmed Aayir

RSI TV -Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Somaliland Cabdoo Axmed Aayir,ayaa fariin u diray shacabka reer Somaliland.
“Safarkii Madaxwaynaha Somaliland,Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo masuuliyiintii kale ee la socday ee dhawaan socdaalka ku tegay dalka Maraykanka wuxuu keenay natiijo horumar iyo guul wayn. Waxaan aad u bogaadinayaa jaaliyada oo halkan uga mahadcelinayaa bulshada jaaliyada reer Somaliland ee ku nool dalka maraykanka oo siwayn u soo baxay. shucuurtooda ku muujiyey kuna hor-dhigay goobtii shirku ka socday ee qaramada midoobay.Tan iyo intii Madaxweynuhu tegay maraykanka warbaahinta adduunk oo af-walba oo dunida lagaga hadlo maanta waxay baahinayeen Shirka uu tegay Madaxweynaha somaliland iyo magaca astaanta calankeena tawxiidka leh ayaa nooc kasta oo warbaahineed ka baxayey.magaca qarankeena iyo dalkeenu wuxuu gaadhey meel aanu gaadhin waligii. halgankii qadhaadhaa Jiilal badan ayaa u huray Naftooda oo u dhintay nimcada’ xoriyada iyo nabadgelyada aynu haysano maanta.
Himiladeena iyo hadafkeenu waa siddii aynu u gaadhno geediga muddada dheer soo rarnay in aynu furno iyo guusha hiigsigeenii ahaa in Somaliland oo ka mid ah dawladdaha adduunka la Siman oo dalalka caalamka ka mid noqono.maanta waxaan ugu baaqayaa inay gacmaha is qabsadaan jiilka iyo bulshada Somaliland,si aynu u gaadhno guusha ictiraafka oo is barbartaagno Madaxwaynaheena Cabdiraxmaan Cirro.”Ayuu Yidhi Guddoomiyaha Cabdoo Axmed Aayir oo qoraalkan ugu soo diray iimeelka xafiiska wararka ee shabakada baraarugnewn xafiiskeeda magaalada Hargeysa.
Guddoomiye Cabdoo Aayir oo arrintaa ka sii hadlaaya,waxa uu yidhi. “Dhalinyarada Rag iyo Hablaba iyo guud ahaan Shacabka Reer Somaliland maanta ma xaqiijin doonaan guusha inta yar uga hadhay ee u soo mareen jidka dheeraa,rafaadka,daalka iyo diifta badan lahaa,siddii looga dhabayn lahaa.waxaan idinku baraarujin lahaa shacabkow in la is-barbar taago maanta dagaal adag ayuu ku jiraa madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.taasoo guusha bilowgeedii hayno oo ah ictiraafkii ugu horeeyay aynu helnay Israa,iil.kuwii kalena iisha-alaah maalin ayeynu gaadhi doonaa.u samra,ha daalina. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo safaro shaqo oo ay ku tageen dalalka Maraykanka iyo Isu-taga Imaaraadka Carabta guulo waa wayn ayaa laga gaadhey.
Safarkii guusha ee Madaxweynuhu ku tegay dalka Maraykanka waxa uu qayb ka ahaa dedaallada ictiraaf raadinta ee uu Madaxweynuhu wado. Waana takeentay in Madaxweynaha Maraykanku uu si hordhac ah u aqoonsaday JSL, warqadda “Official” ah ee ictiraafkuna wey ku xigtaa insha Allaa. guul shacab wqynaha Jamhuuriyadq Somaliland.”

“Halgankii Qadhaadhaa Ee Umaddani Soo Martey Jiilal Badan Ayaa U Huray Naftooda U Dhintayna Xoriyada Iyo Nabadgelyada Somaliland.”