Baraarugtv.com-Waraysiga Madaxweynuhu uu caawa ku qabtay xarunta Cilmi-Baadhiseed ee magaceeda la yidhaa (), wuu ka wanaagsanaa kii hore gaar ahaan dhinacyada diyaargarowga, qaabka uu su’aalaha uga jawaabay, nooca jawaabaha uu bixiyey, xogta iyo falanqaynta oo ka cuslaa kii hore.Dadka su’aalaha Madaxwaynaha waxa ay ahaayeen dad la socda oo ka war haya xaaladda Somaliland iyo waayaheeda su’aalaha la yimaddeena waxa ay ahaayeen kuwo ku qotoma xaaladda dhabta ah ee Somaliland.
Hase yeeshee, waxa weli maqan qaybo muhiim ah ee waraysi heer Madaxweyne laga filan karo. Sida bandhigidda aragti siyaasadeed, istiraatiijiiyadda xukuumaddiisa, qorshayaal iyo qaabka ay Somaliland doonayso in caalamku kula dhaqmo. Jawaabo badan uu Madaxwaynuhu bixiyey waxa ay ku ekaayeen , , iyo marmar ay jawaabo ka baxsan xayndaabka su’aasha.
Su’aalo la xidhiidha aragtida siyaasadeed iyo istiraatiijiyadda Madaxwayn. Jawaab cad oo la fahmi karo kuma jawaabin, gaar ahaan, kuwa la xidhiidha sababaha keenaya in , , kama soo bixin Madaxwayneha jawaab qofka dhagaysanayaa kala soo bixi karo aragti ama fahan midaysan.Madaxwaynuhu waxa uu meelo kala duwan wakhti dheer ku qaatay falanqaynta iyo culaysyada Somaliland haysta, taa badelkeeda waxa ka haboonayd in uu soo bandhigo aragti Madaxwayne oo dunida ka iibsami karta. Gun iyo Gabogabadii: waraysiga caawu wuu ka wanaagsanaa kii hore. Weli-se Madaxwaynaha iyo la taliyayaashiisa waxa u taalla shaqo badan oo dhinaca warbaahinta ah iyo cilmiga isgaadhsiinta.
Dr Abdiweli Abdilahi Soufi


