“Fanku lacag kuma gadmo ee waa Hibo”

0
40
"Fanku lacag kuma gadmo ee waa Hibo"
"Fanku lacag kuma gadmo ee waa Hibo"

“Fanku lacag kuma gadmo ee waa Hibo”

"Fanku lacag kuma gadmo ee waa Hibo"
“Fanku lacag kuma gadmo ee waa Hibo”

Baraarugtv.com-Waxaa qorey Suxufi Ruugcadaa ah Wariye Xuseen Cabdilaahi Deeqsi, oo Mudo ahaa barnaamij soo saaraha Radio Hargeysa iyo Talafishanka Qaranka

“Fanaanka Maxamed BK ayaan daawaday isagoo ka hadlaya faraqa u dhaxeeya abwaanka iyo fanaanka, isagoo tusaale u soo qaadanaya Abwaan Weedhsame, waxa uu miisaanka siinayaa in qofka culeyska soo saaridu heestu ku dhacaa uu yahay fanaanka, arintaasi waxay iila muuqatey inay gef ku tahay Abwaanada curiya Suugaanta.

Maxamed BK waa fanaan cod macaan oo la wada jecel yahay, waxase aanu dhugan in heesaha, gabayada, guurowga, buraanburka iyo geeraarkuba ay ka soo wada burqadaan abwaan, Abwaanku waa tiirka ugu muhiimsan bahda curinta iyo soo saarka heesta.

Maxamed BK ma noqdeen fanaan hadaanu Abwaan haysan, Abwaanku waa farshaxanka agaasima metelaada abbaarta ay ku wajahan tahay heestu, midhuhu waa aas’aaska heesta, waxaana curinta midhuhu ka culeys badan tahay hawlaha kale ee heestu u baahan tahay.

BK waxa uu hadalkiisa ku daray in Abwaanadu heesaha la baryaan oo gurigiisa toban jeer ku soo garaacaan, Salaamaad! Walaal tooba dheh oo ka noqo midhkaa, waliba raaligelin ka bixi, ma tihid xanuunka kugu dhacay laakiin waxaad tahay mid si kale ula tacaalaaya, anigu ma ogi cilada jirta adiga iyo Abwaanada, waxase aad uga falcelisey si qaldan oo aad looga xumaado.

Abwaanadu marka laga hadlayo masraxa Suugaanta waa jilaaga ugu sareeya ee qaabeeya sawirka ujeedada la gudbinayo, laxankuna waa nolosha ama geerida midhaha.BK waxaan kuu sheegayaa inaad qaado heeso miisaanka erayadoodu culus yihiin, laakiin ay ku dhacdey laxan isku wada mid ah, oo aan wax raad ah ku reebeyn maskaxaha dhageystayaasha, waxase aad ku dhistaa codkaaga, maadaama aad hadalkaaga ku faanayso inaad lacag ku bixiso tumida heesta islamarkaana adigu aad daba ordeyso midka tumaya iyo kan laxameynaya maxaad u dooran weydey laxamo kala duwan oo kala saara baadisoocda heesahaaga?

  1. Fanaanka waxaan leeyahay fanku waa hiwaayad iyo hibo, kuma gadmo lacag iyo wax la miisaan ah, fadlan ka noqo nusqaaminta Abwaanada oo cafis weydiiso kuwa ku soo ababshay, xusuuso odhaahda ah: Lugtii Jeeni Dhaaftaa Wey Jabtaa, waxa meel kuu taala gefkiisa.Waxaa qorey:-Suxufi Ruugcadaa ah Wariye Xuseen Cabdilaahi Deeqsi.