Sawiro Maanta Marqaati Ah In Dawladdaha Shisheeye Gaadheen Hadafkoodii Ahaa In Qurub-qurub Loo Jar-jaro Dhulka Soomaalida

0
8

Baraarugtv.com-Beryahaan waxaa qaar kamid ah maamul gobolleedyada dalka safar la ogyahay ujeedkiisa iyo xogta uu xambaarsan yahay ku marayay wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha hawlgalka gaarka ah ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), Major Gen Claude Tudor, ma’ahan taliyaha guud ee taliska ciidamada oo dhawaan Muqdisho kula shiray Madaxweyne Xasan Sheekh, ee waa sarkaal hoggaamiya qeyb kamid ah taliska Africom.

Sawirka 1-aad waa Taliyaha guud taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), General Dagvin R.M. Anderson, oo isagu xamar ku sugan shaqa ay la ogtahay dowladda Somalia uga diray maamulada dalka qaar, sarkaal isaga shaqada kaga hooseeya lana ogyahay xogta uu sido, sidoo kalena laga sugayo warbixin la xiriirta booqashada uu ku marayo maamulladaas inuu dib ugu soo celiyo taliyihiisa iyo DFS Somalia oo Xamar ku sugaya.

Waxaa jira dad faafiyay in labada sarkaal ay hal qof yihiin, sax ma’ahan oo waa kala sarreeyaan, waxaa kaloo jira in madaxtooyada Puntland ay faafisay inuu jiro heshiis la kala saxiixday iyaduna sax ma’ahan oo Madaxweyne Deni kaligiis ayaa isku sawiray isagoo saxiixaya buugga ay ku daabacan yihiin shaqooyinka taliska Africom ee lala wadaagay. Heshiis ma jirin, hadduu jiro dhinaca kale oo wax saxiixaya ayaa la arki lahaa, ka soo eeg bogga Puntland State House waxaa ku jira sawir Deni kaligiis uu isku “camirayo” markii ay ka tageen wafdiga.

Somaliland oo wafdigaan ay booqdeen ma shaacin heshiis ay la galeen, is weydiin Somaliland oo ka miisaan culus Puntland heshiis uu Mareykanka la geli waayay sida uu Puntland kaligeed ula saxiixan karo?!