0
9

  -

Baraarugtv.com-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah oo istaraatiiji ah la yeeshay Major General Claude K. Tudor Jr. oo ah Taliyaha Ciidamada Hawl-gallada Gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika (Special Operations Commander of Africa- SOCAFRICA) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha ayaa ugu horrayn Major General Claude K. Tudor iyo weftiga ballaadhan ee uu hoggaaminayey uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka waxa si qoto dheer loogu lafa-guray xoojinta iskaashiga amniga iyo danaha istaraatiijiga ah ee ay wadaagaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Maraykanka, gaar ahaan sugidda amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo guud ahaanba amniga iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dalka ugu muhiimsan marka la eego ilaalinta amniga Marin-biyoodka gobolka (Badda Cas, Bab Al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed) iyada oo leh in ka badan 850 km oo xeeb ah oo ku teedsan mid ka mid ah marin-biyoodada ugu muhiimsan adduunka. Waxa uu xusay in amniga Xeebaha Somaliland uu yahay qayb ka mid ah amniga Gobolka iyo kan Caalamkaba.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in aan Somaliland indhaha laga lalin karin, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in cid kasta oo danaynaysa iskaashiga amni ee Xeebaha Somaliland ay si toos ah ula shaqayso kalana hadasho Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal muddo ka badan 35 sano nabad ah, xasilloon, leh hay’ado Dawli ah oo dhisan iyo hannaan siyaasadeed oo dimuqraadi ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad u tibaaxay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay iskaashi dhow oo joogto ah la yeelato Ciidamada iyo Hay’adaha amniga kala duwan ee dalka Maraykanka, si loo xoojiyo la-dagaallanka argagixisada, budhcad-badeedda, dambiyada abaabulan iyo khataraha kale ee saamaynta ku leh nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dhankiisa, Major General Claude K. Tudor Jr. ayaa sheegay in Maraykanka iyo Somaliland ay wadaagaan dano amni oo muhiim ah oo khuseeya berriga iyo baddaba, isaga oo xusay in xasilloonida Geeska Afrika iyo amniga marin-biyoodka caalamiga ahi ay yihiin mudnaan muhiim u ah labada dhinacba.

Waxa uu intaa ku daray in Maraykanku diyaar u yahay in uu Somaliland si dhow ugala shaqeeyo arrimaha istaraatiijiga ah ee labada dhinacba danta u ah, isla markaana la sii xoojiyo wada-shaqaynta, xog-is-dhaafsiga, isdhaafsiga khibradaha iyo iskaashiga amni ee mustaqbalka.

Kulanka ayaa ku soo gebogeboobay is-afgarad iyo in labada dhinac ay sii xoojiyaan ka wada shaqaynta danaha muhiimka ah ee la wadaago.