Ma Dhabaa In Hawl-galo Qarsoodiya Dad Ku Xidh-xidhay Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro?

0
7

Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya Howlgallo Amni oo Qarsoodi ah oo Oo Lagu Beegsanayo Dadka Dhaliila Maamulka Somaliland Inay Ka Socdaan Hargeysa?

Warar ka soo baxay ilo warbaahineed ayaa sheegaya in ay magaalada Hargeysa ka socdaan howlgallo amni oo qarsoodi ah oo lagu bartilmaameedsanayo dad ka soo horjeeda siyaasadaha maamulka Somaliland, kuwaas oo ay ku jiraan suxufiyiin, dhalinyaro firfircoon oo baraha bulshada ah, culimo iyo siyaasiyiin.

Sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah, ciidamada ammaanka ee ku xiran maamulka Somaliland ayaa wada tallaabooyin lagu caburinayo codadka dhaliila dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Wararku waxay sheegayaan in ujeeddada howlgalladan ay tahay in la xakameeyo dhaleeceynta shacabka iyo in la yareeyo dhaqdhaqaaqyada mucaaradka.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka, gaar ahaan xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, kuwaas oo ay ka dhex muuqdaan siyaasiyiin iyo taageerayaal si cad u muujinaya aragtiyo ka duwan kuwa dowladda.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhalinyarada firfircoon ee baraha bulshada lagu wargeliyay in ay wajihi karaan xarig haddii ay sii wadaan qoraallada iyo fariimaha ay ku dhaliilayaan siyaasadaha maamulka Madaxweyne Cirro ama waxa ay dowladdu u aragto olole sumcad dil ah.

Wararkan ayaa yimid maalmo kadib markii la sheegay in la xiray fanaanka Khaalid Kaamil, iyadoo sidoo kale ay jireen eedeymo sheegaya in cadaadis iyo hanjabaado loo jeediyay qaar ka mid ah culimada sababo la xiriira mowqifyadooda ku aaddan arrimaha Israel iyo siyaasadaha gobolka.

 

Dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha iyo ururada warbaahinta ayaa marar kala duwan ku baaqay in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, xorriyadda saxaafadda iyo xaqa ay muwaadiniintu u leeyihiin in ay si nabad ah uga qaybqaataan siyaasadda.

Maamulka Somaliland weli kama uusan soo saarin wax war rasmi ah oo uu kaga jawaabayo eedeymahan ilaa waqtiga la daabacayay warkan.