Yaa La Siiyey Marshuuca Laydhka Itoobiya Ee keenaysa Somaliland?

0
42

Baraarugtv.com-Laydhka Itoobiya Cidda keenaysa Somaliland oo xudun u ahayd Xeerka Golaha Wakiilladu ku diideen Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa Golaha Wakiillada dib ugu celiyey Wax ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Maamulka Tamarta Korontada Somaliland Xeer Lr. 81/2026-ka, balse maanta ayey Mudaneyaasha Golaha Wakiillada diideen soo jeedintii ka timid Madaxweynaha.

‎Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Golaha Wakiillada in ay wax ka beddel ku sameeyaan Qodobka 47aad, oo dhigayey in Dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ay wada aasaasi doonaan shirkad koronto oo wadaag ah (Public Private Partnership Company – PPP), tan oo noqonaysa Shirkaddan masuul ka ah hawlaha Nidaamka Gudbinta Korontada ee dalka.

‎Madaxweynuhu soo jeediyey in laga dhigo in dawladdu shirkad ay leedahay maamusho, oo meesha laga saaro shirkadda la wada leeyahay, oo shirkadda dawladdu masuul ka noqoto oo ay fulinayso hawlaha iyo awoodaha ay ka mid yihiin horumarinta, dayactirka iyo maareynta kaabeyaasha Shabakadda Gudbinta Korontada Qaranka, iyo inay xaqiijiso inay si siman oo caddaalad ah ruqsadlayaasha dhalinta iyo qaybintu ugu soo xidhaan nidaamyadooda shabakadda gudbinta korontada Qaranka.

‎Golaha Wakiillada diiday Soo jeedintan Madaxweynaha waxaanay ansixiyeen in la sameeyo Shirkadda Dawladda iyo Shirkaddaha madax banaan wada leeyihiin.

‎Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Soo jeediyey in Qodobka 53aad ee xeerka loo daayo in Xukuumadda oo kaliya ay awood u leedahay inay ka soo dhoofin karto tamarta korontada dalal shisheeye iyada oo u adeegsanaysa Shirkadda Korontada Qaranka ee ay dawladdu leedahay, balse Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ayaa diiday qodobkan oo ku ansixiyey in Shirkadda la wada leeyahay ee dawladda iyo Shirkaddaha Gaar ahi keenaan, soona dhoofiyaan Korontada Dalalka shisheeye laga keenayo.

‎Si kastaba ha ahaate, xeerkan ayaa u muuqda mid ay Shirkaddaha Korontadu doonayaan in Shirkadda dawladda iyo kuwa madax bannaan wada leeyihiin loo sameeyo si ay u keeno, haddii loo baahdo in Itoobiya laga Soo jiido laydh, waxaanay Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu diideen in Shirkad dawladdu leedahay Laydhkaas keento.

Adigu Sidee Baad U Aragtaa?.

Nagu_Soo_Biir Shabakada Cimilonews

Xigasho:_Saleebaan Saxansaxo.