Saxeexa aan ku saxeexay Buugga Madaxda Caalamka ee booqda Knesset-ku”

0
58
Saxeexa aan ku saxeexay Buugga Madaxda Caalamka ee booqda Knesset-ku
Saxeexa aan ku saxeexay Buugga Madaxda Caalamka ee booqda Knesset-ku

Sreal,(Baraarugtv.com)-“Maanta oo ay taariikhdu tahay 16.06.2026, waxa sharaf weyn ii ahayd in aan booqdo Xarunta Baarlamaanka Dawladda Israa’iil (Knesset), aniga, Marwada Koowaad iyo weftigayga, halkaas oo nalagu qaabilay hab-maamuus qaran oo heer sare ah.

Saxeexa aan ku saxeexay Buugga Madaxda Caalamka ee booqda Knesset-ku
Saxeexa aan ku saxeexay Buugga Madaxda Caalamka ee booqda Knesset-ku

Waxa aan mahadnaq iyo qaddarin gaar ah u dirayaa Guddoomiyaha Knesset-ka, Amir Ohana, iyo dhammaan Hoggaanka, Mudanayaasha iyo Marwooyinka Knesset-ka, muxaafid iyo mucaaridba, sida sharafta iyo soo-dhaweynta diirran ee ay noo muujiyeen.

Saxeexa aan ku saxeexay Buugga Madaxda Caalamka ee booqda Knesset-ku ma ahayn oo keliya dhacdo diblomaasiyadeed, balse waxa uu astaan u yahay horumarka iyo bisaylka dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo doorka ay ku yeelanayso bulshada caalamka.

Aniga oo ka duulaya waayo-aragnimadaydii 12-ka sano ahayd ee aan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ahaa, waxa aan aaminsanahay in iskaashiga iyo is-dhaafsiga aqoonta ee ka dhaxeyn doona dhawaan hay’adaha sharci-dejinta ee labada dal uu door muhiim ah ka qaadan doono xoojinta dimuqraadiyadda, dawlad-wanaagga iyo hannaanka doorashooyinka.

Waxa aan kalsooni buuxda ku qabaa in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil uu ku dhismi doono is-ixtiraam, iskaashi istaraatiiji ah iyo himilooyin wadajir ah oo ku salaysan nabad, amni, horumar iyo barwaaqo ay wadaagaan labada shacab.

Maanta waa maalin kale oo taariikhi ah oo Somaliland u soo hoyatay sharaf qaran iyo guul lagu xusi doono bogagga taariikhda qarankeenna Jamhuuriyadda Somaliland.”Ayuu Yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

email caarshe7@hotmail.com

baraarugnews@gmail.com