Muqdisho,(Baraarugtv.com)-Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay iney u aragto xidhiidh kasta oo ISRL ay la yeelato Somaliland inuu yahay xadgudub cad oo lagula kacay midnimada, wadajirka iyo madax banaanida dhuleed ee Dalka Soomaaliya. isla markaana ay taasi si cad uga hor imaneyso shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.
Dowlada Soomaaliya waxay ugu baaqday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamicada Carabta, Urur Iskaashiga dalalka Islaamka iyo dhammaan saaxiibada caalamiga ah in si degdega loo qaado talaabo lagu ilaalinayo sharciga caalamiga ah, isla markaana si adag loo cambaareeyo talaabooyinkan wiqaya midnimada dhuleed ee Dalka Soomaaliya.Dowlada Soomaaliya waxay ku hanjabtay iney xaq buuxa u leedahay iney qaado dhamaan talaabooyinka lagama maarmaan ah si ay u difaacato jiritaanka madax banaanideeda iyo Qaranimadeeda.


