Dawladdaha Dalalka Jabuuti Iyo Masar Oo Ka Wada-hadley Qorshe Jabhad Loogu Abuuri Lahaa Gudaha Somaliland

0
103

Masar,(Baraarugtv.com)-Wasiirka Arrimaha Dibada dawladda Masar iyo dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibada dawladda Jabuuti,ayaa khad telefoon ku wada-hadlay,kuwaasoo kaga arinsaday qaabkii ay ugu abuuri lahaayeen  gudaha Somaliland jabhad hubaysan iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay siyaasada gobolka geeska Afrika.

wakaalada wararka ee Mehr, ayaa baahisay in labada wasiir ka wada hadleen dhibaatooyinka amni iyo mid siyaasadeed oo ku soo kordhey gobolka,sidii loo adkeyn lahaa xasiloonida geeska Afrika iyo biyaha badda-cas.

Intii Wadahadalku socday Wasiirka Arrimaha Dibada ee Masar wuxuu markale ku celiyay in mawqifka Masar uu yahay in la taageero dowladaha rasmiga ah ee gobolka ka jira, iyo in la ilaaliyo midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibada dawladda Masar,ayaa  sheegay in dawladdiisa Masar ay marnaba aqbalayn in lagu xad-gudubo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya,isla markaana ay si adag uga soo horjeedo talaabo kasta oo lagu aqoonsanayo dalka Somaliland, wuxuuna xusay in Qaahira ay talaabada noocaas ah u arkeyso iney tahay mid halis gelineysa xasiloonida geeska Afrika iyo amniga badda-cas ee biyaha Somaliland-na ka mid tahey biyaha baddeeda Somaliland ee bada cas.

Dhanka kale,Saraakiil sirdoonka ka hawl-gala waddamada geeska Afrika iyo bariga dhexe,ayaa u sheegay in ay la socdaan shirar qarsoodiya oo masar  dabada ka riixayso iyo Dalal kale ay wadaan qorshe la doonayo inay sameeyaan  nidaam ay ku hirgaliyaan maalgelin lagu abuurayo  jabhado dagaal ku fura dalka Somaliland.

Inkastoo ka gaabsadeen kana cudur-daarteen magacooda la sheego waxay wakaalada Red Sea Intelligence TV u sheegeen xidhiidhka ku dhex-maray Wasiiradda Dawladdaha dalalka Jabuuti iyo Masar, ay aheyd qorshe Madaxweynayeyaasha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Masar Casiisi ay u igmadeen Wasiiradda in ka wada-hadlaan, qorshihii ay u samayn lahaayeen jabhado dagaal ku qaadi lahaa  dawladda Somaliland iyo siddii looga hortegilahaa Israa,iil salka dhigan Somaliland,taasoo u arkaan awood kaga soo fidaysa gees kale oo kaga furma badda Cas.