Muxuu Daarnaa Kulankii Dhex-marey Komishanka Doorashooyinka Somaliland Iyo Kaah,Kulmiye Iyo Waddani

0
72

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-“War_Cusub:_Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (KDQ) ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxda Saddexda Xisbi Qaran ee KAAH, Kulmiye iyo Waddani, iyaga oo uga warbixiyey shaqada socota iyo diyaar-garowga hawlaha Diiwaangalinta.

KDQ waxay Xisbiyada uga xog warrameen qodobadan:

1. Kulankii ay toddobaadkii hore la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland..2. Is-afgaradkii guusha ku soo dhammaaday ee ay la gaadheen Xisbiga KAAH, kaas oo dib loogu soo celiyey wada-shaqayntii labada dhinac.

3. Safarkii shaqo ee ay ku tageen dalka Finland iyo natiijooyinkii ka soo baxay kulamadii ay halkaas kula yeesheen hay’adaha doorashooyinka, dimuqraadiyadda iyo Jaaliyadda Somaliland.4. Qorshaha cusub ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ay KDQ hadda gacanta ku hayaan diyaarintiisa, kaas oo dhawaan loo soo bandhigi doono dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka JSL.

email baraarugnews@gmail.com