Madaxweyne,,Adigu Miyaad Ka Baqdaa Israa,iil?

0
64
Madaxweyne,,Adigu Miyaad Ka Baqdaa Israa,iil?
Madaxweyne,,Adigu Miyaad Ka Baqdaa Israa,iil?

Madaxweyne,,Adigu Miyaad Ka Baqdaa Israa,iil?

“Soomaaliya Dalka la yidhaahdo dagaal aaney shaqo ku laheyn,ayey lugaha La-galaysaa.Somaliland…”Xassan Sheekh

Madaxweyne,,Adigu Miyaad Ka Baqdaa Israa,iil?
Madaxweyne,,Adigu Miyaad Ka Baqdaa Israa,iil?

Muqdisho,Baraarugtv.com-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo waraysi siiyey Warbaahinta afka dawladda Faderaalka ah ku hadasha ee Dawan ayaa la waydiiyey su,aal aheyd,Madaxweyne adigu Israa,iil miyaad ka baqday?

Madaxweyne Xassan Sheekh,ayaa ku jawaabey hadalkan oo yidhi sidan “Yaan ka baqaa,yaan ka cabsadaa, yaan dhawraa,wa,ayo.”

Israa,iil dagaal ayey gashey. khatar ayey dareentay,dhawr meelood ayey fiirisay. dhulka soomaalida ayey Soo aadey.dhawr jeer ayey Nala Soo xidhiidhay,anaguna waxaan ku nidhi ilaaqad nama dhexmarayo. anagu waxaanu ku diidnay mabaadi ay ka mid tahey diinta iyo Dhanka bini,aadabnimada. waxay yidhaahdeen waar niman ayaa halkan jooga. kuwan aynu marada u lulno.sidaas ayuu ku yimi aqoonsiga ay Israa,iil siisay. Dhibaato aad iyo aad u wayn ayaa ka Soo socota, oo maantaba ifafaaladeedii way bilaamantey oo immikaba muuqda.”

 

“Soomaaliya dalka la yidhaahdo dagaal aaney shaqo ku laheyn,aaney ku jurin, maslaxad u aheyn, Dani ugu jirin ayey lugaha La-galaysaa.Israa,iil dad-baa cadow u arka, dadkaasina halkii loogu tegilahaa in ay noqoto soomaaliya. dadkaasina way soo jawaabayaan. Waxa maanta haysata waddamo badan oo Khaliijka carabta ah ayaa ka mid ah.dadkaasina way jawaabayaan.Anaguna ma rabno in boros woorka ka mid noqono.Aqoonsiga Somaliland wax ka Jiraa ma jiro. Somaliland-na ictiraaf may helin waa dabin ay Israa,iil rabto in ay dhigato qayb ka mid ah dhulkii soomaaliyeed..”Ayuu yidhi Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

kala xidhiidh email baraarugnews@gmail.com

caarshe7@hotmail.com